Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Deegaanka Yasooman.
March 27, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta Deegaanka deegaanka Yasooman. 40km u jirta Degmada Buulo Burde .Taliyaha ciidanka AMISOM ee gobollada Hiiraan iyo Galgaduud Col.Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil ayaa warbaahinta u sheegay in ay Al-Shabaab ka saareen Deegaanka deegaanka Yasooman. 40km u jirta Degmada Buulo Burde .
Deegaanka deegaanka Yasooman ayaa 40 km dhinaca bari kaga beegan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan waxaana Saldhig ku lahaa kooxada Al-Shabaab .Col.Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan ilaa inta laga saarayo kooxda Al-Shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin gobalka Hiiraan iyo Galgaduud.
Dhanka kale ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa dhaqdhaqaaq ciidanka ka bilaabay saaka degmooyinka ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe waxaana ay maanta duhurkii ka ruqaansadeen degmada Warsheekh iyaga oo ku sii jeeda deegaanka Raage Ceele sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadweyne ku sugan deegaano u dhexeeya Warsheekh iyo Raage Ceele .
Wararkii ugu danbeeyey ee ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay gaareen deegaanka Gumareey oo 10-km u jirta degmada Raage Ceele waxaana la sheegayaa in Al-Shabaab isaga baxeen degmada Raage Ceele.
A/Cawale
Halgan.net