Ra’iisul Wasaaraha DFS oo la kulmay Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Kenya
March 27, 2014 - Written by EditorKampala:-Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dawladda Kenya sida ay u soo dhoweysay shacabka Soomaaliyeed uguna martigelisay. isaga oo muujiyay walaaca ay ka qabaan amarka dawladda Kenya ee ahaa in shacabka Soomaaliyeed ay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga, wuxuuna rajeeyey in dawladda Kenya ay ka qafiifin doonto amarkaas
“Waxaan ku rajo weynahay in Dawladda Kenya ay tixgelin doonto heshiiskii Qaxootiga ee saddex geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Kenya iyo Q/midoobay, kaasoo dhigayay in Qaxootiga Soomaalida ay dalkooda dib ugu laabtaan si iskood ah oo aaney ku jirin qasab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda dawladda Kenya Aamina Cabdalla Maxamed ayaa dhankeeda xustay in dawladda Kenya ay ka shaqeyneyso sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskaasi saddex geesoodka ee qaxootiga.
Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Kampala, Uganda