Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray wado laami ah ee Bosaso kormeerayna xarunta Ciidanka Badda ee Puntland.[Masawiro]

March 27, 2014 - Written by Editor

IMG_6682Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay weheli yaan qaar ka mid ah golihiisa wasiirada, gudoonka Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, Duqa Degmada Bosaaso Xassan Cabdalla Xasan iyo xubno kale oo muhiim ah ayaa xariga ka jaray wadooyin laami ah oo laga dhisay magaalada ganacsiga Puntland ee Bosaaso.

Wadooyinka uu madaxweynuhu xariga ka jaray ayaa kala ahaa jidka DaaraSalaam iyo wadada huruuse oo labadaba laga dhigay laami ka dib sanado badan oo aysan habaysnayn waxaana waqtigan si nidaamsan u adeegsan doona gadiidka iyo dadweynaha magaalada.

Duqa degmada Bosaso Xassan Cabdalla Xassan ayaa madaxweynaha uga xog waramay dhismaha wadooyinkan iyo mudada lagu hir-geliyay , isagoo sheegay inay ku dhiseen mudo kooban,wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay ka shaqeeyaan ilaalinta wadooyinkan cusub.Xassan Cabdalla Xassan waxa uu sidoo kale sheegay inay gacanta ku hayaan wadooyin kale oo uu ka mid yahay jidka 30-ka, kaasi oo si toos ah u gali doona Madaxtoyada Puntland, isla markaana ay ku dhamays tiri doonaan mudo kooban.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in magalada Bosaso oo ah halbowlaha Ganacsiga Puntland ay yeelato wadooyin laami ah, isagoo bulshada Gobolka Bari ku booriyay inay sii wadaan horu marka ay hiigsanayaan.

Madaxweyne Dr.Gaas waxa uu sidoo kale u sheegay masuuliyiinta degmada iyo gobolkaba in halgamayaashii u geeriyooday danta Puntland loogu magac daro wadooyinka kale ee la dhisi doono, si aan loo ilaawin waxqabadkii ay u muujiyeen dadkooda iyo dalkoodaba.

Dhanka kale Madaxweyne Gaas waxa uu booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Ciidanka Badda Puntland ee ku taalla magaalada Bosaso, wuxuun halkaasi kula kulmay Safiirka Dowladda Emaradka ee Somalia Max’ed Cusmaan iyagoo yeeshay kulan gaar ah .

Kulanka labada masuul ayay kaga wada hadleen sidii Dowladda Emaradku u xoojin lahayd taageerada ay siiso Puntland, iyo in Ciidanka Badda Puntland kor loo qaado, si looga hor tago khataraha dhinaca badda iyo berigaba.

Ambassador Max’ed Osman ayaa sheegay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay sidii loo garab istagi lahaa Puntland, loogana caawin lahaa horumarada ay ku tallaabsanayso.

no images were found

Kulankaas Ka dib Madaxweynha Dowladda Puntland Dr.Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas waxa uu booqasho ku tagay deegaanka Bander-Ziyaada ‘Qow” oo ka tirsan gobolka Bari, wuxuuna halkaasi kula soo hadlay odayaasha iyo dadweynaha deegaankaasi, isagoo u sheegay in Dowladdiisu ku rajo wayn tahay sidii horu mar loo gaarsiin lahaa dhamaan shacabka Puntland oo dhan.

DHAMAAD-

Xafiiska Warfaafimta.Wacyi-glinta Iyo
Hiddana Iyo Dhaqanka Ee
Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online