Gal-Mudug oo sheegtay in ay qabteen Sarkaal ka tirsan Al-shabaab

March 31, 2014 - Written by Editor

galmudugGaalkacyo:-Ciidanka Booliska maamulka Gal-Mudug ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay saxaafadda u soo bandhigeen nin ay ku sheegeen in uu yahay Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo ay howlgal ay sameeyeen ciidanka Booliska Gal-Mudug ay ku soo qabteen.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee maamulka Gal-Mudug Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa u sheegay warbaahinta in ninka ay qabteen ciidanku ay ka soo qabteen duleedka magaalada Gaalkacyo ka dib markii xog ay helleen ay ku howl galeen.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa sidoo kale xusay in eedeysanaha ay weli ku wadaan baaritaano ka dibna ay si dhaqso ah ugu gudbin doonaa Maxkamada hadda uu ku xiran yahay Saldhiga Booliska.

Dhinac kale Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa saxaafadda u sheegay in ciidanka Booliska Gal-mudug ay xoriyadooda u soo celiyeen ilaa 3 qof oo dumar ay ku jirto ka dib markii looga shakiyey in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Howl galka ay sameeyeen ciidanka Booliska maamulka Gal-Mudug ayaa ku soo beegmaysa xili maalin ka hor ay ku eedeeyeen Madaxda Dowladda Federaaalka Soomaaliya ay sheegeen in degaano uu ka taliyo maamulka Gal-Mudug gaar ahaan degmada Hobyo ay ku sugan yihiin Al-shabaab arrinkaas oo ay ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online