Madaxweynah Puntland oo furay kulankii Baarlamaanka Puntland.[Cod/Masawiro]
March 31, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxaa uu ka qayb galay kulan aan caadi ahayn oo Golaha baarlamaanka Puntland ay uga doodayaan Miisaaniyadda dowladda Puntland 2014.
Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Gaas oo hadal kooban ka hor jeediyey Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa waxaa uu uga warbixiyey safarkii uu ku kala bixiyey Gobolladda Nugaal, Karkaar iyo Bari isagoo sheegay in safarku uu ahaa in ay dowladdu u kuurgasho xaaladaha nololeed iyo mid nabadgelyo ee ka jira degaanadaas arrintaas oo guul ku soo dhamaatay.
Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kale oo Xildhibaada Baarlamaanka Puntland uu uga warbixiyey kulan uu la yeeshay Safiirada wadamada Yurub qaarkood iyo kulan uu magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka bar kula yeeshay Safiirka dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Al-Cusmaani isagoo sheegay in guul laga gaaray ayna rajeynayaan in Puntland laga caawiyey dhinac kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga.
no images were found
Ugu danbayntii ayaa Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.CabdiwaliMaxamed Cali Gaas waxaa uu ka codsaday Xildhbaadanada Golaha baarlamaanka ee Puntland in ay ka doodaan miisaaniyadda dowladda Puntland 2014 ayna eegaan wax dantu ugu jirto dadka ka dibna ay ansixiyaan Miinaasiyadda dowladda Puntland ee 2014.
Hoos ka Dhagayso Khudbadii uu Madaxweynaha Puntland ka jeediyey Golaha Baarlamaanka Puntland
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/qh6l7dlefe/Miisaaniayadda.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3
M_M_Deeq
Halgan.net