Xildhibaannada DFKM oo mar kale saaka ku dagaalamay xarunta golaha Shacabka

January 4, 2012 - Written by

Muqdisho:-Xildhibaannada Golaha baarlamaanka DFKM oo noqday 2 koox  oo iska soo horjeeda ayaa saaka markii afaraad dagaal gacan ka hadal uu ku dhexmaray xarunta Golaha shacab ka , dagaalka ayaa bilowday ka dib markii xilibaano taageersan guddoomiyihii baarlamaanka DFKM Shariif Xassan ay soo galeen golaha shacabka  dagaalka saaka ayaa waxaa uu dhaawac ka soo gaaray ilaa  4 xildhibaan  .xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow ayaa dhaawaciisa ahaa mid culus.

Xildhibaannada saaka uu dhaawacu soo gaaray ayaa waxaa ay u badan yihiin xilibaansii taagersanaa guddoomiyaha baarlamaanka ee DFKM ee xilka laga qaaday xilibanaada ayaa dhaawacooda waxaa uu iskugu jiraa mid culus iyo mid fudud. xilibanada dhaawacu soo gaaray ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka ee ku yaal magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Golaha baarlamaanka DFKM ayaa waxaa ay sheegeen in ay xilkii ka qaday gudoomiye ku xigeenka 1aadd ee baarlamaanka Cabdi weli Ibraahim Muudey iyadoo arrinkaas ay sheegeen ka dib kulan maanta ka dhacay xarunta Golaha shacabka walow maanta gacan hadal uu ka dhexmaray xilibaanada.

Ciidamada AMSIOM iyo kuwa DFKM oo iyagu ku sugnaa xarunta Golaha baarlamaanka  ayaan wax  ka hortag ah ku samayn ama kala dhex gelin xilibaanada DFKM ee markii 4aad ku dagaalamay xaruntii shacabka taas oo muujinaysa in ay dan ka lahayn wax ka dhex socda xub naha Golaha baarlamaanka DFKM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online