Hoo idam Alle ha calfane! Sh Axmed Cabdisamad

January 19, 2012 - Written by

Dad badan ayaa ka qeybgalay colaadii sokeeye ee dalka ka dhacday, waxayse dadkaasi ku kala duwanaayeen u jeedooyinka oo qaar ayaa ficilo u dagaalamayey, kuwana waxaa galiyey hunguri xukun doon ama mid xoolo doon. Waxaa kale oo ay ku kala duwanaayeen habka ay ula dhaqmayeen cidda ay la dirirayaan oo qaar ayaa iyaga oo dagaal qabiil ku jira wax badan xeerinayay, iskana ilaalinayay falalka aadka u sii foosha xun ha ka ahaato Alle ka cabsi ama xishood ama nabsi ka baq. Waxaa dhinaca kale jirey kuwo wax kasta ku banaystay colaadda lagu jiro, bulshadana kula dhaqmay wax kasta oo laga argagoxo, lagana yaqyaqsado, sida: dil fool xun, boob qunjuraaf ah, kufsi, laynta birmageydada …iwm.

Intaa waxaa ka daran inay caado ka dhigtaan falalkaas xun xun ee aysan ku joojin marka colaaddu dhammaato; sababta oo ah waxay ka dhigteen ficiladaas shaqo ay ku noolaadaan iyaga iyo ehelkooduba. Waxaa iyana soo qaadis mudan inay ugu dambaysta ka gudbaan xumaynta reerkii awal la is hayay kaliya ee ay kula kacaan wax kasta oo falfal xumo ah ummadda oo dhan oo ay ku jirto ciddii ay markii hore u dagaalami jireen!!.

Ilaahay isaga oo xumaanta wada nicib, dadka ku kacana u wada carooda hadana sida uu ula dhaqmo labadaas qolo way kala duwan tahay. Dadka si xadgudub ah oo ula kac ah u daadsha dhiigga muslinka ama xaqdaro ku cuna xoolohooda ama sharaftooda dhaawaca ama cabsigaliya ama ku dhiba waddooyinka, isla markaana arrimahaas caadaysta waxaa tijaabo lagu arkay in Ilaahay ka muujiyo calaamad deg deg ah ama uu u dilo six un. Haddaba waxaan qormadaan ku soo bandhigaynaa hal qiso oo ka mid ah dhacdooyinka faraha badan ee Ilaahay daalimiinta ku qabtay, aniga oo uga jeeda in dadkeena dulmiga ku jira ay kaga haraan, kuwa u hanqaltaagayana ay ku cibra qaataan .

Qisadii ha calfan! 

Da’diisu afartan bay kor u dhaaftay. Wuxuu ka qeybgalay dagaallo badan oo dhexmaray qoyskooda iyo reer ay daris ahaayeen. Wuxuu ku mamay xoolihii qabaa’ilku kala boobi jireen, ka dibna wuxuu ka mid noqday niman dhawr ah oo quudkooda waddada ka jirin jiray, jidkana loogaba aa’ay. 

Muuqaal foolxun iyo dhaqan laga yaqyaqsoodo ayuu goobtaas ku joogay, ehel iyo asxaabna waa ka quusteen inay caymiyaan ama sharkiisa ummadda ka qabtaan. Cid aragta oo aan ka nixin iyo cid la macaamisha oo aan habaar iyo haydaarto uga tagina ma jirto. Wehel waxaa u ahaa qorigiisa iyo kuwa isaga la jaadka ah oo shaqada midaysay ay tahay furashada musaafirka iyo daroogo aan lacag loo waayeyn, wax kalana lagaga mashquulayn.

 Maalin maalmaha ka mida ayaa gaari galbeed ka yimid oo baradho sida soo istaagay isbaaradii ay ummadda ku furan jireen. Haweeney ayaa gaarigu u raran yahay. Halka ay ka timidna waa galbeed fog, meeshay ku jeeddana waa bari salkiisa. Intaas oo dhul ah tuulo walba iyo jid kasta waxaa musaafirka u taagan inkaar qabe kan oo kale ah ama aan wax quman dhaamin. Afar boqol iyo konton kun keen bay sheeko ka bilaabatay. Miskiintii oo waxa ay sidato yaridooda og, inta xoolo jidka lagaga soo qaadayna xusuusan, waxa u dhimana ku xisaabtamaysa ayaa hadal iyo baryo ula jeensatay ma nixihii muslinka furanayey, waase hadal kaa khasaarey illeen qofkii diin ama xishood ama dadnimo ku hartaybaa wax garta ama dhibta muslinka ka danqada.

 Jawaabtii u dambaysey waxay noqotay intuu gole-baaskiisii fariistay inuu yiraahdo: lacagta keen ama dib u noqo, bir baastii ummadda la hordhigtayna ay jidkii ku gudbantahay. Markay talo intaas dhaafi weyday gabadhii intay lacagtii soo bixisay oo u taagtay bay ku tiri: hoo idam Alle ha calfane!.

 Wax yar iyo wax badan midna kama soo wareegin markuu goobtii si halhaleel ah u yimid nin waalan oo habaarqabaha ina adeerkiis ah oo wata qori RBD ah oo silsilad boqol ahi ku xirantahay. Meel kale iyo cid kale midna qorigii kuma jeedine habaarqabihii ayuu rasaastii si darandoori ah ugu riday. Boqolku yay kula badane mar haddii aan qaroofeyda farta laga qaadin in yar bay afka qoriga kaga wada baxaysaa, isaguse kuma dhamayn boqolkiiye 75 xabbadood kaliya ayuu ku dhuftay ilaa jirkiisii dhulka laga uruuriyey.

Gabadhu ma awliyo mustajaabu dacwo ah bay ahayd, mise saacad ijaaba ayay waafaqday. Way dhici kartaa inay labadaas u kulmeen ama midkood jirey, waxaase hubaal ah inay ahayd madluum aan habaarkeeda iyo Alle xijaab u dhexayn.

 Nin baa nin waran dabada ka galiyey markaasaa isagiina geed ka soo dhacay oo dabada xaskuli ka gashay, isaga oo wali naftii ku jitro ayuu yiri: anigu waa ogaa in Ilaahay dadka u kala aargudo laakiin ma ogayn inuu dubur dubur ugu aargudo!. Dad badana waa ogaayeen in Ilaahay daalimka qabanayo goor ay noqotaba laakiin dadkii waxaa fajiciso ku noqotay dhaqsaha Ilaahay daalimkaan u qabtay, habka loo qabtay iyo cidda lagu sababay oo ahayd ninkii dad ugu dhawaa oo waliba kaaga darane waalan!.

War kale meesha ma yaale dadow diinta Alle ha lagu waana-qaato, dhacdooyinka tusaya awoodda Ilaahay iyo caddaaladiisana ha lagu cibroqaato, nin-na yaanu ku kadsoomin korashada Ilaahay iyo dulqaadkiisa; waayo Alle daalimka wuu u sugaa, markuu qabtana ma fakiyo.

Shiikh Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Masha alah sheikha waxuu ina xasuusiyay dacwada qofka dulman aan lasocelineynin

  2. Asc, jazaakallaah Sh.Axmed Abdisamad. Waxaa hubaala in Ilaahay caadil yahay oo uu dadka ukala xaqsoorayo aduunka iyo aakhiraba.

  3. asc,
    maasha allah sheekh ahmed abdisamad jazaka lahu kayr.

Leave a comment

*