Iska dheh W/Q Abdirazak Sugulle

January 23, 2012 - Written by

Iyadoo aad moodo in qoraaladii ka dhashay dilkii Allaha u naxariistee Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan ay isa soo tarayaan, dadkii xaq difaaca ahaana ay qalinkoodii la kala baxeen, ayaa haddana waxaa ay ishaydu qab tay oo aan aad ula dhacay laba maqaal oo kala duwan oo ay qoreen rag aan aad u jeclahay qoraaladooda, oo aanba is iri war nimanku suxufiyiin qarsoon bayba ahaayeen oo dowrkii culinimo waxay ku darsadeen mid qoraal ( Wa Sheekh Xasan ( Abuu xasaan) iyo Sh. Axmed C/samad e), waxaana ay qoraaladaasi kala ahaayeen ” Is ka dil ” iyo ”Si walba u dil”. Aniguna markaasaan is iri Alleylahe waxaa qoraaladaas dhamaystir u noqon kara maqaalkaan ah ” Iska dheh”  oo aan is leeyahay, kuwii dhagarta qabay ee dilay Diktoorka, waxayaabaha ay falkaasi u tiigsadeen waxaa ka mid ahaa hadalo ”Iska dheh ah”.

Waxaa kaloo maqaalku uu jawaab u yahay maqaal qiimo badan oo ay soo qortay Cubtan Yuusuf oo cinwankiisu ahaa ”Dhalinyarada baraarugu ma jihaadayaan mise xoriyadda saxaafadda ayay ku kadsoomeen”.

Haddanse hordhaca intaa uga haro oo dulucda maqaalka u daadago, hadalka duuban ee warbaahinta laga sii daayaa ayaa qolada suxufiyuuntu waxaa ay u yaqaanaan inuu yahay mid ummad dhan oo taagneyd baabi’in karaa haddaan laga fiirsan. Sidaa awgeed ayaa ay dhinaca saxaafadda marka la joogo, gaar ahaan raadiyaha iyo TV-ga, waxaa lama huraan ah inta aanu warku bixin inuu maro dhowr qaybood oo kala duwan, taasoo looga gol leeyahay sidii loo hubin lahaa oo uu war sugan mooyaane wax kale u bixi lahayn.

Waliba waagaas sidaas loo taxadarayay ma jirin  horumarka tikniloojiyada ee hadda aadka u tagtay, oo hadda wixii baxaa xitaa ka daba tag ma lahan oo DR Google ayaaba kaydinaya. Maxaad u malaynaysaa marka arinku uu yahay diin?!! soow kuma haboona inaan ”iska dheh” lagu wadin ee aad looga fiirsado waxa lagu hadlayo. Waxaan aad ula yaabay in la yiraahdo waxaa soo baxay bayaan lagu inkiriyo eeddii ay beesha Leelkase u tiirisay in Aminyaadka ina godane ay ka danbeeyeen dilkii diktoorka!! Bayaankuna horta kuma caddayn inuu yahay mid si rasmi ah u soo baxay, ee waxaaba iska cadayd inuu u ekaa mid qolyaha internetka ee aad mooddo in ay iyaguba afhayeen u yihiin cida la eedeynayo ay soo dhoodhoobeen.

Maxaase haddii ay diidmadadaasi dhab tahay ay u hadli waayeen nimanka gaamuray ee godinta salkeeda hayaa?!,  Sideese lagu aqbalayaa cudurdaar mar haddiiba hadaladii ”Iska dheh” ahaa ay hormareen, si looga dabatagaana ay adag tahay oo haddii la tiritri lahaana Dr google uu hayo. Waxaana taa kaba sii daran in hadaladaasi ”iska dhehda ahaa” wali lagu dhiiran yahay oo ragga qaarkood ayba mar kale ku celiyeen in ay wali la soo taagan yihiin ”iska dhehda ”, waxaana ka mid  ahaa hadalkii oranaayay ” Ragga Culimada ah ee jihaadka hortaagan (waa sida ay iyagu aaminsan yihiin ama u yiraahdeene) ha la dhaafiyo dunida, oo kii dilaana waa mujaahid, shiikhii la dilaana waa shahiid”, sidoo kale hadalkii ahaa ” Keybkaa inoo dhexeeya” , ” Waxaa ay barakeeyeen culimadu Ugaandha iyo Kenya”, ” Waa la garanayaa raggii dilay oo galgaduud bay joogaan Iyo kuwo la mid ah.

Waxaan leeyahay maanta dunidu  ” iska dheh way dhaaftay, hadal la iska yirina wax aan ceeb ahayn oo uu ka dheefayaa ma jirto kii yiri, waana arin muhiim ah  inuu qof walbaa ogaado sida Allaahba quraanka uu noogu sheegay in wax kasta oo afkaaga ka soo baxaa la xisaabinayo. Dhalintuna ha ogaadaan in aanay ku daba lumin fataawayaal  iska dheh ah oo aan loo meel dayin.

Haddaba qormadan gaaban oo degdega ah waxaan ku soo afjari lahaa: Dhalinta wax qoraysaa ha iska daayaan iska dhehda ay caadaysteen oo aan ku salaysneen qawaaniin diin iyo mid saxaafadeed toona, haddiise ay dayn waayaan waxaan ku celinayaa mar kale oo aan leeyahay ha ogaadaan in ay u shaqaynayaan cadowgii umadda haddii anyba la shaqaynin!!!  sidii aan horeba ugu sheegay qoraalkaygii ahaa ”Timir laf baa ku jirta ”, waayo saxaafad xor ahi ma jirto ee waxaa saxaafaddu ay xor u tahay wixii laga raalli yahay. waagii aan kuliyadda saxaafadda dhiganaynayna waxyaabihii aan ka baranay waxaa ka mid ahaa  in saxaafad xor ahi aanay jirin, oo saxaafad walbaa waxaay ilaalisaa dano gaar ah, haddii ay khadka cagaaran soo dhaaftana qoortaa loo gaabiyaa. Sidaas awgeed haddii aaney waxyaabaha ay dhalinta isku magacowday ” baraaruga islaamku” qorayaan reer galbeed iyo xulufadoodu ka raalli ahayn, mar horaa la aamusin lahaa, kuwa qoraaya ee london iyo Washigton dhex mushaaxayaana guntanaamo loo diri lahaa, balse arinku waa sidii aan hore u iriyoo ”Timir laf baa ku jirta ”:

 W/Q 
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. waa runtaa iskadheh du wa shey ad uxun waxna yaan laiska raacraacin maficn0,Allaha barakeyo qoraga

  2. Hadalka waad wanaajisay. Kuwan ilaahay ha hanuuniyo

Leave a comment

*