War caddaaday.W/Q: Xasan Maxamad Ibraahim (Abuu xassaan)

January 4, 2012 - Written by

25 Bari ka dib dilkii Dr.Axmad Xaaji C/raxmaan waxay beesha Leelkase si dagganaan iyo isku kalsooni ku jirto shaaca uga qaadday in ururka Al-shabaab gaar ahaan kooxda amniyaadka ee sida tooska ah uga amar qaadata Axmad Cabdi Godane ay ka danbeysay dilkii Dr. Axmad.

Beeshu bayaanka ay arrintaas ka soo saartay oo ay ku saxiixnaayeen dhammaanba intii wax u goyn jirtay waxay ku sheegtay inay natiijadaas ku gaadheen baadhitaan dheer oo madaxbannaan oo ay sameeyeen guddi beeshu arrintaas u xilsaartay. Sidoo kale waxay beeshu bayaankaas ku xustay in shabakaddii sheekha dilkiisa ku lug laheyd la hayo in badan oo ka mid ah, intii kalena lagu raad joogo. Natiijadaas beesha Leelkase soo saartay waxay u marag fureysaa natiijo tan la mid ah oo ay soo saareen culimadii joogtay goobtii sheekha lagu dilay, in labada natiijo is waafaqaanna waxay daliil u tahay in xogtii lagu dhisay ay wax badan ka mideysnaayeen.

Culimada sida deg degga ah dilka sheekha shabaab dusha uga saartay waxay wax ku dhiseen male-awaal ma aheyn, naceyb ay ururuka Al-shabaab u qabaanna kama keenin ee nabarkani wuxuu ahaa mid ka yimid meel laga filayay oo wata dhammaanba astaamihii u gaarka ahaa dilalka qorsheysan ee ururka Al-shabaab, waxeyna culimadu ogaayeen hanjabaado badan oo diktoorka uga imanayay ururka Alshabaab.

Intaas waxaa dheeraa isla maalintii sheekha la dilay iyo maalintii ku xigtayba waxaa culimadaas si toos ah u soo gaadhayay macluumaad biyo kama-dhibcaan ah oo si toos ah farta ugu fiiqay kooxda amniyaadka ee Al-shabaab iyo qaylodhaan loogu digayo intooda kale oo loo sheegay in laftooda lagu soo maqanyahay! Waxaana lagula taliyay inay waddanka ka dhoofaan ama naftooda difaacaan.

Dadka qaarkood hadalka culimadu wuu ka soo booday oo waxay tibaaxeen in degdeg ku jiro, waxeyna jecleysteen in qolyo kale oo in la tuhmo iska sahlantahay eedda loo leexiyo sida PIS oo bulshadu u taqaanno Ashahaado la dirir. Dadkaas qaybo ka mid ah way muuqataa in niyad wanaag arrintaas u geeyay oo ay qaadan waayeen dad wadaaddo sheeganaya oo muujisanaya inay diinta koryeeliddeeda u dagaalama yaan ayaa dilay Dr. Axmad oo ilaa carruurnimadiisii u taagnaa faafinta barashada iyo koryeelidda diinta islaamka.

Waxaa sidoo kale ay suureysan waayeen in Al-shabaab colaad xadkaas gaadhsiisan u qabaan culimada soomaaliyeed ilaa xad ay gaaladii sii joogtay iyo tii duullaanka soo aheydba iska daayaan oo ay koox dooxato ah u diraan Dr. Axmad Alle ha u naxariistee oo Muqdisho u jira kun iyo dhowr boqol oo km iyada oo gaaladu joogto meel xabbadooda Ak-ga ahi gaadho.

Dadkaas waxaa loogu garaabi karaa in ayna ururka Al-shabaab u laheyn aqoonta ay u lahaayeen culimadii dilka Dr. Axmad (Alle ha u naxariistee) dusha ka saartay. sidoo kale waxaa loogu garaabi karaa in ayna xogta culimadu ka hayeen si gaar ah dilka diktoorka ayna haynin, waxaanse dadkaas loogu garaabi doonin inay ku qanci waayaan xaqiiqadan sidii qorraxda u caddaatay, iyo inay wax ka baddali waayaan fikraddii ay ururka Al-shabaab ka heysteen ka dib markii ay u caddaatay in ururka Al-shabaab culimada laayo, walina ku sii indho-cadyahay layntooda!, waxaana markaas muuqan doonta in ay hawo raac ahaayeen ee ayna xaq iyo xog raac midna aheyn!.

Dadkaas xog la’aantu ka heysay ururka Al-shabaab ee markii horeba culimada ka digeysay moodayay inay ka badbadin iyo koox necbeysi wadaan waa inay ka garaabaan in culimadu wixii ay ka hadleysay uga aqoon badneyd cilmi ahaan, xog ahaanna uga macluumaad badneyd, waana iney gartaan culimada waxa loo beegsaday inay aheyd in la aamusiiyo, markii hanjabaaddii lagala quustayna loo gudbay in xabbad lagu aamusiiyo; si aanay uga hadlin marin habowga diimeed ee ay naftooda iyo ummaddaba ku wadaan.

Dadka qaar kuma gaabsanin inay ka shakiyaan in ururka Al-shabaab ka danbeeyeen dilka Dr. Axmad ( Alle ha u naxariistee) ee waxay isku dayeen inay marin habaabiyaan beeshii sheekhu ka dhashay iyo ra’yilcaamka bulshada oo dhan, waxeyna si toos ah u tilmaameen in dilka sheekha dad kale ka danbeeyeen ilaa ay qaarkood la gaadhay aniga ayaa garanaya ciddii Dr. Axmad dishay, meesha ay joogaanna waan ogahay!!.

Dadka sidaas u hadlayay way iska caddeyd inay Al-shabaab afhayeenno u yihiin oo gar iyo gardarraba ay doonayaan inaan ururkooda kiisku soo galin, dadka qaarna waxay la aheyd marin habaabintaas ay sameynayaan inay aheyd wax la maleyn karo ama meesha ku jiri kara, waxaase yaab lahaa sida ay dadka aan goobjoogga aheyn warkiisa wax uga soo qaadeen wadaaddadii goobjoogga ahaana hadalkooda wax uga soo qaadi waayeen.

Dadka si ay tuhmada shabaab uga fogeeyaan meelaha kale faraha ku fiiqay caddaalad darrada ka sakow waxay aad isugu howleen in dhiiggii Dr. Axmad loo qabsado cid aan aheyn kuwii dilay haddii la doono haba kallifto in beelo soomaaliyeed isugu halaagsamaane!, si cad ayeyna hadalkooda uga muuqatay inay jecelyihiin in reero isu layaan dilka Dr. Axmad, waxayna sheegeen in niman reer hebal ahi ay diktoorka dileen, hadalkaasina macne aan aheyn reerahaas ka aargoosta ma laheyn.

Waxaa runtii qaddrin iyo xushmeyn badan mudan sida ay beesha Leelkase uga dhaga-adeygtay gardarrada iyo xadgudubka la damcay in la galiyo ee ay uga bogatay baadhitaanka ciddii ka danbeysay dhab ahaan dilka Dr. Axmad, arrintaasina waxey beeshu ku badbaadisay dhiig badan oo xaq darro ku daadan lahaa .

Waxaa sidoo kale wax aad loo qaddriyo ah sida ay beeshu dhagaha uga fureysatay dadka naftood hafarka ah ee aan shabaab iyo cid kale midna agtooda waxba ka goynin ee isku dayay inay Al-shabaab wakiil ka noqdaan ee is been farriinka ku doonayay inay beesha duuflaaliyaan. Aad iyo aad waxaa iyana wax loo ammaano ah sida ay beeshu u soo koobtay cidda ay u haysato dilkii sheekha ee ayna u eedeynin cid kasta oo shabaab taageerta ama waxa ay wadaan ku jecel shar iyo khayrba. Haddii cidda beeshu ay jawaabta ka dalbatay ee dilka Dr. Axmad sida tooska ah uga danbeysay ay damacdo inay aamus kaga jawaabto ama ay kuwo kale oo naftood hafar ah ka hadliyaanna beesha waxaa la gudboon inay tallaabooyin kale qaaddo oo ay ku raadineyso dhiiggii Dr. Axmad, wayna ila tahay in tallaabooyinkaasi u diyaarsanyihiin, dhiiggoodii siday u raadsan lahaayeenna loo tilmaami maayo.

Intaas ka dib haddii ay sida qorraxda u caddaatay in ururuka Al-shabaab uu ka danbeeyay dilkii foosha xumaa ee Dr. Axmad ee ku soo beeg may bishii xurmada laheyd ee muxarram isaga oo caashuuraa soomman, salaaddii subaxna soo tukaday oo waliba ku daahay adkaartii salaadda ka dib, sow sida qorraxda iyana uma caddaanin in waxa ururka Al-shabaab afka ka sheeganayo iyo waxa uu dhab ahaan qabanayo faraq weyn u dhexeeyo?

Sow dadku xaq uma laha inay dhahaan: dadkii laga filay inay dilaan Dr. Axmad waa cid kasta oo cadow u aheyd risaaladii uu xanbaarsanaa ee hirgalinta iyo faafinta diinta islaamka, waana tan keentay shabaabka laftoodu inay isku dayaan inay tuhmada u weeciyaan Ashahaada la dirirka, haddaba waa maxay faraqa u dhexeeya qolada Ashahaada la dirirka loo bixiyay iyo Al-shabaab mar haddii ay isku hawl hayaan, isku hadafna tooganayaan, isku ujeeddana yihiin. Ninkii Ashahaado la dirir looga baqayayna ay iyagu dilkiisa uga hormarayaan?

Sow xaq ma aha in la isweydiiyo waxa iska galay jihaadka Al-shabaab dadkii kale ka xigsaday iyo laynta culimada?. Sow gar ma aha in la is weydiiyo tolow adduunka waxa ku nool ma Dr. Axmad ayaa u shar badnaa, mise ujeedada diktoorka loo dilayba waa in la soo afjaro wanaag gii uu ummadda u hayay? .

Sow gar ma aha in la is weydiiyo waa maxay shareecada Al-shabaab u halgamayo hirgalinteeda haddiiba uu baabi’inayo kuwii shareecada barashadeeda iyo faafinteeda ku cirroorbay ee xabsi iyo dhib kaleba u soo dhammeystay?. Sow ma caddaanin in ururkani uu dhiigga muslimiinta oo dhan xalaashanyo mar haddii uu culimadiiba ka billaabay?. Haddii uu dhiigga muslimiinta xalaashadeyse muxuu kaga duwanyahay dhinaca manhajka khawaarijtii Cali ibni Abii daalib dishay isaga oo salaad subax u socda?.

Sow ma mudna in la isweydiiyo asalka ay ku qotonto colaaddan xad dhaafka ah ee Al-shabaab u hayaan culimadii soomaaliyeed ee Ilaahay ummadda ku anfacay?. Sow ma soo if baxeyo in ururkani si muuqata oo aan geed loogu soo gabbanin ula dirirayo manhajkii salafka iyo ciddii xanbaarsaneydba?.

Culimada ururkani beegsanayo ee uu cay, aflagaaddo iyo laynba ku wado waa kuwii mareykanku fagaare kaga hadlay inuu col la yahay, liiska madowna uu galiyay. Haddaba sow marka in la isweydiiyo ma ha waa maxay sababta keentay in ururkan madaxdiisa iyo Mareykanku isku ujeeddo noqdaan?, walise ma la arkay labo isu cadow ah oo isku yool tooganaya, isku ujeeddana xaqiijinaya?.

Dilka Dr. Axmad ( Alle ha u naxaxariistee) ee ku caddaaday ururka Al-shabaab wuxuu furayaa su’aalo fara badan oo dhammaantood keenaya in dib loo akhriyo ujeedooyinka ururka Al-shabaab, tabihiisa iyo howlaha uu qabto intaba; si ay u caddaato xaqiiqadiisa dhabta ah, waxaana ila habboon inaan laga eegin dhinaca khaladaadka manhajka ah kaliya ee lagu daro in la barbar dhigo ururo sidan oo kale dadkii iyo culimadiiba u baabi’iyay oo ugu danbeyntii ay cadaaddatay inay ajandayaal qarsoon fulinayeen sida ururadii Aljeeriya ka dagaallamayay qaarkood.

Sidoo kale xaqiiqadan maanta soo baxday waxay ku kallifaysaa dhammaanba beelaha soomaaliyeed ee ururkani nin doorkoodii madhiyay culimao iyo caamaba inay iyana dadka ururkaas kaga maqan dhiiggoodii baadi goobaan, guddiyana u saaraan baadhitaanka gacan ku dhiig layaashii dadkoodii laayay, beel walbana ay liis gareysaa dadkii dilalka qorsheysan lagaga dilay ama qaraxyada lala beegsaday, gar bayna u leeyihiin inay dadkii laga dilay dhiiggoodii dalbaan, cidii uu galana sharciga la tiigsadaan.

Waxaa iyana dilkani daaha ka qaaday in culimo badan oo soomaalidu dhowraneyso dibad iyo gudaba ay hadaf u yihiin ururka Al-shabaab oo ay la gaadayaan inay meel dagan ka helaan; sidaas darteed culimada soomaaliyeed waxaa la gudboon inay ku sabraan dhibka ku soo gaadhaya waddadii nabiyada sidii ay horaanba ugu soo dulqaateen dhibaatooyinkii xabsi, garaac, sumcad ka dilid iyo toogasho lagu xukumoba lahaa, waliba waa inay intaas ku daraan inay si weyn uga taxaddaraan inay hadaf sahlan u noqdaan kooxaha dooxatada Al-shabaab.

Ummadda soomaaliyeed gaar ahaan ardadii wax ka baratay culimada maanta la ugaadhsanayo waxaa xaq loogu leeyahay inay culimada af iyo addinba ugu hiiliyaan, dhiiggooda iyo sharaftoodana difaacaan. Dhallinyarada loogu sheekeeyay jihaad baad galeysaan ee shaqada looga dhigay inay culimadii wax bartay laayaanna ( ragga loo hayo dilka Dr. Axmad waxaa ka mid ah kuwo arday ka ahaa jaamacaddii uu aasaasay!!?) waxaa la gudboon inay waddadaas khaldan ka towbad keenaan inta ay goori goor tahay geeriduna ayna imanin.

Xasan Maxamad Ibraahim (Abuu xassaan)

xasanyare@msn.com

20 Comments so far

Leave a comment

  1. acww
    inta badan dadku waxa ay afka ka sheegtaan lama raaco,ee waxaa la raacaa falkooda iyo wixii natiijooyin ah ee ka soo baxa falkaa.
    Kacaankii maxkamadaha ka hor waxa soomaaliya ka soo muuqday kacaan diini ah, kaas oo ugu danbayn usu rogay kacaankii maxkamadaha.
    cadowga ummada soomaaliyeed wuxuu daraaso ku sameeyay kacaankii maxkamadaha, waxaanad moodaa in ay u soo baxday in ay dhex galaan maxkamadaha, ka bacdina burburiyaan islaamka iyo ehelkiisa.
    Alshabaab iyagoo diin afka ka sheeganaya laba hadaf ayay cadowga u fuliyeen.
    1-Culimadii diinta iyo waxgaradkii oo ay gumaadaan
    2-dadkii oo ay diintii ku diraan
    waana labada hadaf ee cadowgu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu u gaadhi lahaa.

    waxaa xal ah baa isleeyahay
    1- In culimada rabaaniyiinta ah ay soo saaraan qaabka maanta dowlad islaami ah ugu dhow, oo loo faahfaahiyay qaab dadka oo dhan ay fahmi karaan,yacnii luqad jilicsan lagu qoray.
    2-in dad soomaaliyeed lagu booriyo in ay taageeraan dowladaa islaamiga ah ee culimadu farta inoogu fiiqeen.
    3-in ummada loo cadeeyo in dowladaa aan soo sheegnay cadowgeedu yahay Ethiopia,Kenya,Maraykan,Israil iyo alshabaab oo ahdaafta kuwaa hirgaliyay.
    4-in soo diyaar garoobo sidii masuuliyaa wayn loo qaadi lahaa.
    5- in dhibka lagu samro,aan noqonana ummad xadaari ah oo difaacan karta diinteeda iyo aayaheeda.
    wcww

  2. Jazakalah khayr Abuu Xassaan. Waxaan iswaydiiyaa ragga Al-shabaab taageersan ee Galbeedka jooga si xorriyad buuxda ku jirto ayey nashaadkooda u wataan. Websideyada taageera Al-shabaab waxaa laga qoraa UK, waxayleeyihiin Maraakiz ay siday doonaan ka yeelaan. Waxaa hubaal ah in nabadsugiddu ka warqabto shaqada ay hayaan. Daahirka waxaa naloo muujiyaa in Al-shabaab aan laga ogoleen Galbeedka. Haddaba soo ma haboona is la’iswaydiiyo waxa ka dhaxaynkara nabadsugidda reer galbeedka iyo Al-shabaab.

    Waxaan isleeyahay waa muhiim in waxbadan laga ogaado asalka manhajka uu urukanu ku socdo iyo waliba cidda ka danbaysa ficillo badan oo ay ku dhaqmaan.

    Jazakalah

  3. asalamu calaykum
    arinta dilka sheekha taas aan uga harno qolooyinka ay dhex taalo mala awaalkana kuma fiicna dhiig ayaa meesha yaalo.

  4. Talo soojidin

    sheekh xassaan waad wanaajisay, waxaana leeyahay hagaag iyo talawacan talooyinkaada waxaa kamid ah in culumada af iyo adinba lagudifaaco .

    hadba waxaan dhihilahaa aradadu hubka ha qaateen oo ha difaacaan, mashaaihkda.ma waxeey sugaan inteey kuwa kale dhintaan nimanka guryaha aan ugu galno aana dalka kasaarno

  5. Sh. Xasan walaal Ilaahay ha kaa ajar siiyo maqaalkan aad lasoo daahday. Intan haddaad waa hore dadka u sheegi laheyd dad badan baa indhaha kala qaadi lahaa.

    Alshabaab idanka Ilaahay waa jabayaan wixii ay ku jabi lahaayeenna iyagaa jiqillada ku wata. Qofka dulmiga ka mushtara isagaa ummadda ugu khasaara badan uguna halaagsami og, ha ahaatee dadka wax og sida sheekhanoo kale xil weyn baa idinka saaran in aad ummadda uga digtaan burcadnimada diinta laga dhigayo, qofkii yeeli waayana aakhiro loo dirayo.

  6. ماشا الله شيخ جزاك الله خيراً

  7. A/S ? walaalka maqaalka leh waa mahadsantahay , Walaal aniga oo aanan taageereynin Shabaab , lakiin waxaan filayaa ilaa iyo hada wax cad oo sitoos ah uTilmaamaya Nooma soo bandhigin , oo aan ka aheeyn Beeshii sheekha kadhashay ayaa Shabaab ku eedeeysay , Beesha iyo Culimada ka horeeysayba waay tuhmeen waana suura gal tuhmida in aay saxnoqoto , lakiin waxaa kaloo suura gal ah in dadrabo in aay kafaideystaan Banoonigaan Suran ee aay shabaab surteen in aay goosha kulaadaan , Rabiga caadilka ah ee aaysan waxba ka qarsooniin waxaan kabaryayaa in uuw fadeexeeyo dadkii ka dambeeyay Dilkii Daacigii islaamiga ahaa walaalkeen Sh,Dr,Axmed

  8. cajiib war hashu maankaygii gadaye ma mansaar bay liqday dad leh diin baan wadnaa iyo khayr oo aan biyo u kabanayn dhiiga muslimiinta
    midda kale waa in shirar badan la qabtaa oo la falan qeeyaa sida loola dagaalami lahaa cunfiga faraha xun hadda inagu haya

    mahadsanidiin

  9. JZK ilaah mizankaaga xasanaadka hakuugu daro qoraalkan qiimiga badan waxaan sidii uu bayaanka beesha u soo baxayba filayay inay al-shabaab uga jawaabi doonaan si degdeg ah oo ay waxuun ka oran doonan qoraalka beesha si lamid ah sida markii caruurtii wax barashada usocotay ee muqdisho lagulaayay ay islamarkiisa u heegteen inay ayagu qarxiyeen.

    laakiin waxaa xaqiiqo ah inay beeshu mudantahay in looga mahadceliyo sida xalaalmiiradka ah ee tuhun kafogaashaha ah ee aanan anigu weli aanan arag intaan noolaa beel soomaaliyeed oo sidaa u dhaqanta in xitaa al-shaab oo dhan ayan iku qaadin oo qologaarah farta farta ku fiiqeen waa wax amaan mudan allaw qabaailkeenna kuwaas oo kale nooga wada dhig

  10. A/C Waxaan soo jeedin lahaa culimadu ha is ilaaliyaan al-shabaabna xaqdoon haday yihiin dakane diimeed oo badan ayaa loo haystaaye ha iska qabtaan dadka kudhaxjira ee sida guracan wax uwada fuliyana dilalka shareecada islaamka aan lug kulahayn waxaana ogagahay in uu idunkujiro rag khayr iyo diin jacal laakiin aan warkahaynin cidamada looyaqaano Aminiyaadka oo rag gaara ka amarqaata bulsho wayta somaliyeedna ay aad ooga cabsadaan al-shabaabow ilaahay kabaqa oo dilalka la,idiin haysto qirta waxaa lahayaa cadaymo badan sh dr axmed iyo kuwo kahoreeyayba ilama aha inaad qiranaysaan daayana layta culimada iyo hanjabaadooda hadaad xaq rabtaan xaq iyo badilna meel mawada galaan ILAAHOW CULIMADA NO XIFDI W/T

  11. walaahi sh,abuu xasaan geesinimo iyo karti baad keentay ilaahw ku xifdi sharna kaa dhawr runtii waad iga oohisay waxaan kamid ahay aradada culumada labeegsanayo waxaan diyaar u ahay difaacooda inshlh madheera inaan dhalintayada iyo soomli iyo culumaba umidawno inaan shabaab iska sifayno muhiimna maaha inaan adeegsano falalkooda xun xun ookale amaba nagama suurawdo

  12. abuu xasaan wuu mahad sanyahay siwacana wuu idhigay waxna waa tilmaamay hadaba ninka xasaan layidhaa waxaan leeyahay wali jawaab ayaa lagaa sugayaaa meel saar warkaagii

  13. ACWRWB,

    Waa qoraal aad u qaymo badan jazaakallaahu khayr walaal Xasan. Waxaan ka xumahay inaan Soomaalidu, inta badan, wax akhriyin. Waxaan u soo jeedin lahaa walaalaha maamula halgan.net inay qoraalkaan iyo qoraalada wacyi galinta ah oo dhan u rogaan maqal si dad badni uga faa’iidaystaan.

    Sidaan la soconno shacabku waa jaah wareersanyahay sababtoo saxii iyo qaladkii baa laysku dhex qasay xagga aragtida dadka aan kala saari karin xaqqa iyo baadilka. Allaha ina badbaadiyo.

  14. maashaa Allaah walaalku waa assiibay meeshii haddalku ku haboonaa, waana caddeeyay,caddayntiina waa wanaajiyay,cidna kuma xad gudbin.
    waana taas tan loo baahan yahay ee Diinteenu nabarayso,in si cilmi ah loo doodo ama wax laysugu sheego,laakiin haday tagto ama i raac ama aammus aan waxaan rabo walaaqdee haddii kale waan ku qalayaa, daliil ama nas diini ahna lagu xoojiyo si caamada loogu khaldo,taasi waa mussiibooyinkii inahaystay mid horloo kusoo biirtay.

    haddaad aragto cid rabta inay xoog wax ku meelmariso, waa labo midkood.
    1- in waxa ay wadaan ay khaldanyihiin, amaba baadil yihiin
    2- in ay wax sax ah wadaan laakiin aysan ulahayn aqoon iyo ogaal ay dadka ugu sharaxaan, kii dood kaqabana kula niqaashaan, kii shaki qabana ugu caddeeyaan.
    waana taas (aqoonta iyo cilmiga sharciga ah)tan culimada lagu galay ee maantay lagu laynayo,waa taas toolka ay culimadu u isticmaalayaan caddaynta xaqqa iyo fahansiinta umadda waaqiceeda lafahansiiyo.
    sidaasayna culimadu waligood xaqqa ugu caddayn jireen cilmi iyo xiwaar.

    ninkiise isku daya inuu yiraahdo diin iyo xaqqbaan wadaa oo ummad muslim ah baan khaladaad kasaxayaa isla markaana qori caaraddiis baan ku meelmarin kaasi isagaa sixid ubaahan QABLA KULI SHAI.
    wuxuuse moogyahay inuu ummadda iyo naftiisaba halaagayo li’annahu waa jaahil FIDDIIN WA FIL WAAQIC.

  15. ilaahay ha ku baraeeyo Sh. Xasan Ibraahim (Abu Xasaan) sida fican ee aad u soo diyaarisay maqaalkan waxana iska cad maanta in ururka Al-shabaab dilkan fuliyey, waayo kamay jawaabin go’aankii ay ka soo saareen qabiilkii uu Dr ka dhashay ee ay ka sugayen gaar ahaan Axmed Cabdi Godane .

  16. Sh abuu xasaan jazaakallahu khayran. Waxaa aad ugu qancay arrinta ah in beelihii wax garadkoodii iyo aqoonyahankoodiiba la laayey ay al shabaab u raadsadaan dhiigoodii sameeyaana baaritaan iyo dabo gal. Nimankan dowlad iyo quwad kale oo muslimiinta shartooda ka illaalisa ma jirtee qabiilkasta xaqiisa haka raadsado hana ka difaacdo al shabaab. Aysan ahayn, meeshii aljazaa’ir lamarsiiyey ayaa la ina marsiinayaa. Waa in qabaa’ishu.sida ay xamiyada jaahilga ahi u qaadi jireen ay iska daayasnoo ay xamiyad ay culimadooda iyo wax garadkooda ku illaashadaan layimaadaan.
    Baarakallahu fiikum.

  17. Mashaa Allah Shiikha Allaha ka abaal mariyo qoraalkaan qiimaha badan

  18. Waxaan dhihi lahaa Sh Ahmed Godane is bari yeel hadii kale waanu sahki waad aragtaa sida xaal usocdee

  19. Acwrw jazakalahu khayran akhuunaa Abu Hassan runtiina waa maqaal xanbaarsan faa’idooyin badan alle hanagu nafaco Godane iyo inta uu watana sharkooda alle culumada iyo umadaba ha ka badbaadiyo,runtiina waxaa dadbadan is waydiinayaan xagee ayay kooxdaani ku socotaa yayse u adeegaysaa wc

Leave a comment

*