Xilibaanada DFKM oo saaka mar kale uu dhexmaray gacan ka hadal

January 2, 2012 - Written by

Muqdisho:-Shir ay maanta xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ku yeesheen xili baanada ka tirsan Golaha baarlamaanka DFKM ayaa waxaa uu ku soo dhamaaday gacan ka hadal iyo dagaal , Kulanka maanta ayaa waxaa soo qaban qaabiyeen xildhibaanadii dhawaan ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen guddoomiyha Baarlamaanka DFKM Shariif Xasan,

Xilibaanada maanta yimid xarunta Golaha shacabka ayaa waxaa ay u jeedadoodu ay ahayd in ay dhagaystaan xilibaano dhowr ah oo iyagu isku soo taagay in ay u tartamaan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKM iyo ku xigeenadiisa, Xilibaano ka soo horjeedo xil ka qaadista lagu sameeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa  xarunta Golaha baarlamanka xoog ku soo galay waxaan ay gacan ka hadal la galeen xilibaanadii ku sugnaa xarunta Golaha shacabka oo taageersanaa xil ka qaadista Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKM Shariif Xassan

Markii dagaalka iyo gacan ka hadlku uu dhacay ayaa waxaa xarunta Golaha shacabka soo galay ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM oo iyagu joojiyey gacan ka hadalkii u dhexeeyey xilibaanada DFKM, ma ah markii ugu horaysay oo xilibanaada DFKM uu dhexmaro dagaal iyo gacan ka hadal waan arrinka dad badan oo Soomaali ah ay ku eedeeyeen in xilibaanada badankoodu ay yihiin dad aan u qalmin in ay matalaan xilka ay qaadeen.

Dagaalka saaka u dhexeeyey xilibaanada DFKM ayaa ku soo beegmaya xili shalay Madaxweynaha DFKM Sh Shariif uu ka soo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyey guddoomiyaha baarlamaanka DFKM Shariif Xasan Shiikh Aadan isagoo arrinkaas ku tilmaamay arin aan sharci ahayn waxaan uu xusay in uu ku dadaalay in xal laga gaaro khilaafka ka dhex jira xilibaanada DFKM balse uusan arrinkaas ku guulaysan.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

Archives
January 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online