Abu mansuur al-amriiki( (وشهد شاهد من أهلها)

March 21, 2012 - Written by

In badan oo k amida umada soomaaliyeed waa ka dharagsan yihiin tacadiyaadka iyo dhibaatada ay ku hayaan kooxda Al-shabaab shacabka soomaaliyeed tan iyo markii uu ku asaasmay unugii ugu horeeyey magaalada muqdisho  sanadihii ugu danbeeyey sagaashanaadkii .

Ilaa iyo waqtigaas waxay beegsanayeen qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed gaar ahaan dadka bulshada waxgalka u ah sida aqoonyahanka,culumada,ganacsatada,saraakiisha ciidanka IWM. halka ay kabarakaceen wadanka kumanyaal dadkaas ka mid ah sidoo kalena ay hakadeen dadkii wadanka kusoo laaban lahaa.
In badan oo ka mida umada soomaaliyeed kuma baraarugsanayn dhibaatadaas  asbaabo dhawr ah dartood.
·       Hagardaamooyinkaan oo u socon jiray qaab qarsoodi ah.
·       Dadka oo in badan ku kadsoomay hadalada qurxoon oo ay ku dhawaaqayaan kooxdani.
·       Ayadoon la rumaysan Karin in dad diin u nisba sheeganayaa ay falalkaan argagaxa lihi ka suuroobaan.
Hadaba  waxaan ku eegayaa qormadaan in umada aan ugu bayaamiyo hagardaamooyinka qolodaan gaar ahaan qaybaha wali ku kadsoon kooxdaas inkastoo muuqaalkooda saxda ah laga akhrisan inta ay qirteen dhibaatooyinkaas gaar ahaan qaraxyadii naxariis darada ahaa ee ay la beegsadeen ardada iyo aqoonyahanada soomaaliyeed ee Hotel Shaamow iyo Warshadi Hargaha iyo Saamaha.
Hadaba inkastoo bulsha waynta xaalkaasi ka qarsoonaa mudo badan hadana qaybo ka mid ah indheergaradka soomaaliyeed ayaa ku baraarugsanaa dhibaatooyinkaas ilaa bilowgii gaar ahaan siyaasiyiinta iyo culumada inkastoo dadka qaar u arkayeen hadaladooda khilaaf siyaasadeed ama diimeed waxay kale oo inta dadka khayrka jecel ay ku beer laxawsan jireen inay la dirirayaan Maraykanka iyo kalkaali yaashiisa soomaaliya.
Hadaba markii ugu horaysay oo ay ku baraarugeen qaybo ka mid ah bulshada waxay ahayd markii ay kula dagaalameen magaalada Kismaayo Axmed madoobe diintana kasaareen ayadoo umadoo dhani ogayd in kismaayo ay wada qabsadeen sadex geesood ay markaas u tabar yaraayeen kooxdaani maamulkeedana qaybsadeen ka dibna ay la gaar noqdeen waxaase yaab noqotay soomaalidu waa diriraan waxna waa isku qabsadaan arinta ah: ((cidii aan wax isku qabsano waa murtadiin!!xataa hadaan anigu gardaranahay.)) halka dadkaas ay dhiigooda banaysteen ay ahaayeen wadaado waliba ay afkaarta dagaalka iyo madhabka salafiga ah ee ay  sheegtaanba ay ka midaysnaayeen.
Waxayse sii cadaatay markii ay iswada raaciyeen Xisbul islaam oo dhan oo garabkooda ahaa si sahlana ay uga guulaysteen sababtoo ah ciidamada xisbiga intooda badan way iska ilaalinayeen dhiigooda  halka aysan ayagu kala jeclayn.
Waxay kaloo umada qaybo kamida ku baraarugeen dilkii sheekh Max,ed Tahliil oo caan ka ahaa gobolada dhexe iyo kuwa koofureed oo hor iyo horaanba ka mid ahaa ducaada aadka ugu firfircoon camalka dacawiga ah wuxuuna qayb libaax ka qaatey aasaaskii maxkamadihii shareecada asagoo ka dhex muuqday ilaa laga soo gaarey xiligii ay isku khilaafeen maxaakimtu Jabuuti & casmara ayuu labada dhinacba ka istaagey oo uu u noqday dacwadii ilaa ay kooxdaani ka dishay asagoo dagan Ceelsha biyaha bishii ogosto 2010kii.
Ka akhriso halkaan faahfaahinta dilkii sheekhaas http://somalitalk.com/2010/08/24/maxamed-tahliil-maxaan-ku-bartay-qore-axmed-csamad/.
Waxayse arintu sida qoraxda u cadaatey umada inteeda badana baraarugtey marka ay kooxdaani dooxato u dirtay caalimkii umada soomaaliyeed Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo ay Boosaaso ku dileen dabayaaqadii sanadkii 2011ka inkastoo ay isku dayeen inay qariyaan sidii caadadoodu ahayd hadana allaah baa kashifay.

Inkastoo ay badan tahay dhibaatooyinka kooxdaan qormadaana aan lagu soo koobi karin  waxaan dhacdooyinkaan gaar ugu soo qaatey inay dadku fahmaan inaysan kooxdaan aysan waxba u aaba yeelayn wax diin ah iyo maabaadii kale midna aysan ilaalinayn  dhinacna aan looga badbaadayn waxaana markhaati cad u ah dhawaaqa dheer oo kasoo baxay Abu Mansuur Al-amriiki oo maciinka biday shabakada internetka bal amaad ku badbaadaa warbaahinta si kale dhiigaaga ku badbaadin maayaane maxaa yeelay waa koox jecel inay mugdiga ku ugaarsato .halka horey wax looga saarayey hogaanka kooxdaani inuu shirqoolay in badan oo ka mida ragii la shaqaynayey markay ka biyodiideen ficiladiisa guracan qaarkood.

Axmed isxaaq
( ibnuisxaaq@yahoo.com)
Xuquuqda qoraalka waxaa leh cida qortay

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online