Dagaal xalay ka dhacay degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo

March 1, 2012 - Written by

Dagaal iyo iska horimaad hubaysan ayaa xalay iyo saaka waxaa uu ka dhacay degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo iyadoo dagaalku uu dhexmaray ciidanka DFKM iyo ciidanka ururka Al-shabaab ee dhawaan ku biiray ururka Al-qaacida Dagaalka xalay ayaa qarxay ka dib markii ciidamo ka tirsan ururka Al.shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisamo ay ciidanka DFKM uga sugnaayeen degmada Garba haarey.

Dagaalka xalay ayaa ciidanka ururka Al-shabaab waxaa ay ku dileen ilaa 2 sarkaal oo ka tirsan ciidanka DFKM waxaan ay ku dhaawaceen Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka DFKM. Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan  oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray dagaalkii xalay ka dhacay degmada Garbahaaray waxaan uu sheegay in uu caafimaad qabo, koodii dhaawacmay iyo koodiii dhintayna ay isku mid yihiin  dagaalkana ay wadi doonaa.

Dagaalka xalay ayaa waxaa ku dhintay ilaa 15 qof oo u badan labadii dhinac ee uu dagaalku dhexmaray  waxaan ku dhaawacmay ilaa 30 qof oo ka tirsanaa 2-da ciidan ee uu dagaalku dhexmaray , Masuuliyinta ururka Al-shabaab iyo ciidanka DFKM ayaa dagaalka xalay guulo ka wada sheegtay.

Ila wareed ku sugan degmada Garbahaaray oo saxaafada la hadlay ayaa u sheegay in ciidanka ka tirsan Al-shabaab xalay ay u suurto gashay in ay soo galaan qaybo ka mid ah magaalada ka dibna ay weeraraan saldhigayo kale duwan oo ay ku sugnaayeen ciidanka DFKM iyo weliba  masuuliyiin uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo dhaawac uu ka soo gaaray dagaalkii xalay.

Isbitaalka guud ee degmada Garbahaarey ayaa xalay waxaa ku dhacay madaafiic la isku ridayey waxaan Isbitaalka soo gaaray burbur iyo gubasho ,ciidanka DFKM ayaa ilaa hadda gacanta ku haya degmada Garbahaarey halka ciidanka Al-shabaab ay ku sugan yihiin duleedka degmada Garbahaaray.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online