Dagaalo culus oo galabta iyo caawa ka dhacay deegaano ka tirsan gobalka Gedo

March 12, 2012 - Written by

Gedo:-Dagaalo Culus ayaa galabta iyo caawa waxay si xooggan uga dhaceen deegaano ka mid ah gobolka Gedo gaar ahaan  deegaan lagu magacaabo Taraaka oo 55-km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Baardheere ee gobolka Gedo dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyey ciidanka Al-shabaab iyo kuwa DFKM. Dagaalka ayaa waxaa uu qarxay ka dib markii ay ciidamada Al-Shabaab dagaal gaadmo ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan DFKM iyo kuwa Ahlu suna oo ay taageerayaan ciidamada Kenya dagaalka galabta ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya. Dagaal ka ayaa waxaa uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac .

Sarkaal u hadalay ciidanka Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay si weyn ugu naafeeyeen ciidamada huwanta dhufeysyadiina ay ka wada saareen ayna ka gubeen ciidamada Kenya laba gaari oo ah kuwa Tiknikada. Afhayeenka Ahlu-sunna ee gobolka Gedo Sh. Maxamed Xuseen Isxaaq Al-Qaadi ayaa waxaa uu la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha Muqdisho waxaana uu guul ka sheegtay dagaalka galab ta ilaa caawa ka socday deegaanka Taraaka wuxuuna sheegay in ay dileen 6askari oo ka tirsan Al-shabaab.

Ilaa caawa waxaa ka socday dagaalo goosgoos ah deegaanka Taraaka kuwaas oo dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada DFKM, Ahlu Suna oo ay baritaarayaan ciidamada dalka Kenya.

A/cawale
halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online