Dagaal xalay ka dhacay magaalada Balad xaawo ee xarunta gobalka Gedo

March 4, 2012 - Written by

Gedo:-Dagaal iyo iska horimaad hubaysan ayaa xalay ka dhacay magaalada Balad xaawo ee xarunta gobalka Gedo ka dib markii ay dagaal ay ku soo qaadeen ciidanka al-shabaab  saldhigyo ay ku sugan yihiin ciidamada DFKM  iyo kuwa Ahlu Sunna .Iska horimaadka xoogiisa ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka magaalada B/xaawo balse wuxuu ku fiday markii danbe gudaha magaalada.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa ku dhintay inta la’ ogyahay ilaa saddex qof, waxaana ku dhaawacmay ilaa 2-bo kale Guddoomiyaha degmada Beled-Xaawo Nuur Sayax ayaa xaqiijiyey in xalay weerar ay ku soo qaadeen magaalada Baladxaawo ee xarunta gobalka Gedo ciidanka Al-shabaab waxaana uu sheegay in ay guula ka gaareen oo ay iska difaaceen dagaalkii lagu soo qaaday.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan magaalada B/xaawo ayaa sheegay in saaka magaalada ay degan tahay ayna gacanta si buuxda ugu hayaan ciidanka DFKM iyo kuwa Ahlu suna. Khasaaraha soo kala gaaray xalay labada dhinac ee ku dagaalamay magaalada B/xaawo ayaa sii kordhay waxaana lagu sheegay in dagaalkii xalay ay ku dhinteen 7 ruux kuwaas oo ka kala tirsanaa laba dhinac.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online