Dagaalo iyo Duqeymo culus oo wili ka socda Degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir

March 30, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal culus iyo duqeymo khasaaro leh ay ka socdaan qaybo kala duwan oo ka mid ah duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Dayniile dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyaa ciidamada AMISOM oo taageeraya kuwa DFKM iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa guulo ka sheegtay ciiidamada AMISOM iyo kuwa DFKM .Afhayeenka Ciidamada AMISOM Paddy Akunda ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dawladda  ay dagaalkii maanta kula wareegeen qaybo badan oo kamid ah degmada Dayniile gaar ahaan  garoonka diyaaraha Dayniile, xarunta degmada, Isbitaalka Dayniile, Gurigii Maxamed Qanyare Afrax iyo deegaano badan oo ka tirsan Degmada Dayniile ilaa hada Ma jiraan wax cadeynaya guusha uu sheegtay Afhayeenka AMiSOM.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM  Paddy Akunda ayaa mar wax laga weydiiyey in uu ciidankooda soo gaaray Khasaaro wuxuu sheegay in ay jiraan khasaaro balse uu dib ka soo sheegi doono marka ay dhamaadaan howlgalada.

Dhanka kale waxaa xiran oo ay duqeymo ka socdaan waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo duleedka degmada Dharkeynlay,Wasiiru Dawladaha wasaaradda Difaaca ee DFKM  ayaa sheegay in dagaalka ay guulo la taaban karo ka gaareen ciidamada DFKM.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalada ay maanta la galeen ciidamada AMISOM ay u geysteen khasaaro xoogan ayna ka gubeen 3-gaari oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM midna ay ka gabsadeen mar uu u waramay wakaalada wararka ee AFP.

Dagaalada iyo Duqeymaha ayaa wili ka socda Dayniile waxaana Madaafiic ay ku soo hoobaneysaa deegaanada loo barakacay ee Ceelasha Biyaha waxaana madaafiicdaas mid ka mid ah uu ku dhacay guri ku yaal Ceelasha Biyaha waxaana ku dhintay 4qof.
A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online