Gaari laga soo buuxiyay walxaha qaraxa oo ku qarxay Waddada Maka Al-Mukarama

March 21, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay Waddada Makka Mukarama gaar ahaan meel aan ka fogeyn isgoyska Shaqlaalaha waxaana qaraxa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa oo ku qarxay Waddada Maka Al-Mukarama,

Gaariga qarxay ayaa waxaa looga tagay wadada dhinaceeda mana jiraan cida wax ku noqotay sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan isgoyska Shaqlaalaha .

Sarkaal u hadlay ciidanka DFKM ayaa sheegay in ay ka war heleen in gaari laga soo buuxiyey walxa qarxa la soo dhigay Waddada Maka Al-Mukarama ka dibna ay xireen dhamaan wadooyinka soo gala Waddada Maka Al-Mukarama.

G/lle Dhexe Maxamed Maxamuud Garaar oo ah taliyaha Booliska ee laanta KM4 ayaa ku eedeeyey qaraxa saaka in ay ka danbeeyaan Ururka Al-Shabaab.Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay qarax ka dhacay Waddada Maka Al-Mukarama.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online