Taliska guud ee Ciidamada AMISOM oo shirjaraa,id ku qabtay magaalada Muqdisho

March 1, 2012 - Written by

Muqdisho:-Taliska guud ee Ciidamada AMISOM ayaa maanta waxaa uu shirjaraa,id ku qabtay magaalada Muqdisho waxaana uu ka hadlay arimaha ay ka mid yihiin soo kordhinta ciidamada AMISOM ee haatan ku sugan Muqdisho iyo in ciidamadooda ay badali doono kuwa Itoobiya marka la soo kordhiyo.

Taliyaha Ciidamada AMISOM Gen. Fared Mugisha ayaa sheegay  in Ciidamada AMISOM dhowaan lasoo kordhin doono lana gaarsiin doono in ka badan  17,000-askari kuwaas oo ka imaan doono wadamo kala duwan.

Gen. Fared Mugisha ayaa ku faanay in ay dhawaan howlgalo ka bilaabi doonaan waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye wuxuuna sheegay in ay qorsheynayaan in ay tagaan gobolka Shabeellaha Hoose oo ay haatan gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka AMISOM ayaa si rasmi ah u sheegay in ay ciidamadooda marka la soo kordhiyo ay geyn doonaan ciidan magaalooyinka Baydhabo iyo Hiiraan kuwaas oo ay haatan heystaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM.

Waa markii labaad bishaan gudaheeda ay taliyaasha ciidamada AMISOM ku booteeeyaan in ay isku fidinayaan wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho xili habeen kasta lagu qaado weeraro gaadmo ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online