Nadwo diini ah oo ka bilaabatay masjidka Harawo ee Boorame.[Masawiro]

March 18, 2014 - Written by Editor

9Boorama:-Nadwo diini ah ayaa waxaa ay ka bilaabatay masjidka Harawo oo ku yaala badhtamaha magaalada Boorame ayaa waxaa diirada lagu saarayay tahriibka taas oo mawduuceedii koowaad lagag hadlay waxa sababo tahriibka iyo waxa lagu daaweyn karo ayaa waxaa si xooggan u qaadaadhigay labada sheekh ee kala ah Sh. Muxumed Warsame Dhurde iyo Sh. Deeq Cabdi Xassan oo si qoto dheer uga hadlay mawduucaas ayaa waxa si xoog leh loo soo buux dhaafiyay masaajidka.

Culimadaasa ayaa waxaa ka mid ah wax yaabaha carabka ku dhifteen in ay u badan yihiin ardayda ama dhalinta tahriibta dhalinta mustawahoogu yihiin heer jaamacadeed ama kuwa dhameeyayba lana ogaan karin waxa ku sabobo ee ay isku biimeeynayaan iyadoo jirin wax gaajo ah oo dhalintaa haysata laakn ay sababayso iimaan daro iyo cilmiga sharciga oo laga cararo.

Dhinaca kale caawa oo ah arbaca waxaa mawduuca labaad inoogu marti ahaa Sh.Xassan Khayre Dirir ayaa waxaa uu ka hadlay qofku cida uu la fadhiisanayo ama cida uu la saaxiibayo. Sh.Xassan Khayre Dirir ayaa tilmaamay in wax yaalaha sababo tahriibka ay ka mid tahay saxiibka xun ee uu qofku la saaxiibayo dhalinta Tahriibtaana ay u badan yihiin dhalinta had iyo jeer fadhigoodu ku badan yahay darbiyada oo laqwi iyo dacaayad uun lagu hayo goobahaas.

no images were found

Gabagabadii iyo gunaanadkii ayaa Sh.Xassan Khayre Dirir ayuu aad ugu duceeyay dhamaan dadwaynihii ka soo gayb galay Nadwada ee dhagaysanayey.

Ururka badbaadada dhalinyarada
<badbaado04@hotmail.com>

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online