Cadow iima ah W/Q Sh Axmed Cabdisamad

October 12, 2014 - Written by Editor

Sh Axmed CabdisamadNinkii jecel Ilaahay iyo rasuulkiisa, diinta islaamkana rumaysan oo qadarinaya waa walaalkay igu leh xuquuqda walaalnimada xataa haddii uu i nicibyahay ama i colaadiyo ama uu nicibyahay kooxdayda ama tolkay ama deegaankayga, waxaana u arkayaa inuu yahay walaalkay igu gafay oo u baahan in gafka iyo qaladka laga saxo sida dambiyada iyo gafafka kale looga saxayo.

Laakiin waxaa cadow ii ah ninkii la collooba Ilaahay, rasuulkiisa iyo diinta islaamka oo kula dagaalamaya qawl ama ficil ama labadaba xataa haddii uu I jeclayahay ama jecalyahay tolkay ama kooxdayda ama deegaankayga. Qofka muslimka ahna Ilaahay agtiisa gar ku heli maayo inuu la safto ama u hiilliyo cid Rabbi iyo diintiisa colaadisay inay isku koox yihiin ama isku qoys yihiin ama isku deegaan yihiin awgeed; waayo cid kasta Alle ayaa kaaga xaq badan.

Sidaa darteed ma habboona in loo fahmo raddinta iyo u jawaabida dadka diinta meel kaga dhaca inay ka dhalatay colaad gaar ah oo cid ama qof loo qabo.

Tan kale ma fiicna in qofkii ku xiga dhalasho ahaan, koox ahaan ama fakar ahaan khaladkiisa laga indhalaabto, kaad arrimahaas ku kala duwantihiina wax yar iyo weynba lugu raddiyo.

Waxaa kale oo muhiim ah in aan la isku qaldin qof jecel Ilaahay, diintiisa iyo islaamka oo qalad ka dhacay iyo qof u bareeray inuu diinta ama qayb ka mid ah axkaamteeda weeraro. Waxaan iyana habboonayn in qof diintii Ilaahay colaadinaya loola safto qolo hebla ku xumee ama kaga aargudo.

Sidda aan luguugu oggolayn inaad nacdid NABI CIISE iyo SAYID CALI adiga oo ku xumaynaya Kirsishtaanka iyo Shiicada ayaan luguugu oggolayn inaad nacdid wax diinta ka mid ah adiga oo ku xumaynaya qolo hebla ama qolo hebla.

Gabagabadii ha ogaadeen dadka diintaan jecel ee daacadda u ah in aysan cadow isu ahayn ee iyagu isku saf yihiin, dadka diinta kasoo horjeeda oo Ibliis u horreeyana ay isku dhinac yihiin, loona baahanyahay inay dadka diinta jecel isu kaashadaan difaaceeda iyo koryeelideeda xataa hadday masalooyin isku khilaafsanyihiin.

W/Q Sh Axmed Cabdisamad
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online