Ciidanka Maamulka Jubba oo la wareegay deegaanka Kudhaa

October 25, 2014 - Written by Editor

Ciidanka_jubaKismaayo:-Ciidamada Maamulka KMG ee Jubba ayaa maanta  la wareegay deegaanka Kudhaa oo 100 km dhinaca koonfur uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ka dib markii ciidanka Maamulka Jubba iyo Kuwa AMISOM ay duulaan ku qaadeen waxaana Kudhaa isaga baxay Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Jubba ayaa sheegay in ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Kudhaa ee gobalka J/hoose wuxuuna sheegay in ay khasaaro gaarsiiyey ciidanka Al-Shabaab.

Dhanka kale Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa sheegay inay afar qof oo Al-Shabaab ahaa ku dileen Kudhaa isaga oo ka gaabsaday khasaaraha soo gaaray ciidanka Jubba

Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax  ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobalka J/hoose ilaa inta Al-Shabaab laga sifeynayo gobalka oo dhan.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo hadlay dagaalada ka dhacay Kudhaa  iyo deegaano ku xeeran

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online