Raisulwasaaraha DFS oo ka hadlay qabsashadii Degmada Baraawe (Dhageyso)

October 6, 2014 - Written by Editor

215Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamadda Xogga dalka iyo Nabad-sugidda oo shir Jaraa’id si wadajir ah u qabtay ayaa sheegay in qabashada degmada Baraawe ay tahay guul weyn, waxana ay tilmaaameen in Al-Shabaab ay u ahayd xurunta ugu weyn ee gacantooda ku jirtay.

“Ciidankeenna Geesiyaasha ah iyo AMISOM waxay saaka qabteen degmada Baraawe oo ahayd xaruntii ugu weynayd kooxda Al-shabaab, dadka reer Baraawe oo ah bulsho nabad jeceylka ku caan ah, aad ayay u soo dhoweeyeen in laga dul qaaday cabburintii ay ku hayeen Al-shabaab. Howlgalladu waa kuwa socon doona ilaa dalka oo dhan laga ciribtiro Argagixisada” ayuu yiri R.W Cabdiweli oo dhinaca kale hambalyo u diray Ciidamadda xogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa yiri “Howlgallada millatari ee socda ujeedkoodu waa in xididdada loogu siibo Al-Shabaab sababtoo ah waxay khatar weyn ku hayaan Soomaalida ku nool aagagga ay gacanta ku hayaan, waxaan mar labaad ugu baaqayaa dhalinyarada ay qaldeen Argagixisadu in 45-tii cisho ee dowladdu u qabatay weli aysan dhammaan, kuwa weli dagaalamaya ee la jooga waxaan ugu baaqayaa inay fursadaas ka faa’iidaystaan “.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay wadamada dariska ah inay feejignaan muujiyaan si aysan dalalkooda usoo gelin firxadka kooxaha Al-shabaab, wuxuna dhinaca kale tilmaamay in ay sii socon doonaan howgalladu inta laga xoreynayo goobaha ay weli ku dhibaataynayaan bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay in la isku furi doona gobollada laga xoreeyo Al-shabaab wadooyinkooda, dhawaana la geyn doono gurmad deg-deg ah iyo ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad sugid.

no images were found

Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliya General Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) oo ka jawaabayay su’aallo ay weydiiyeen Saxaafada ayaa tilmaamay in kooxaha Al-shabaab aysan u babac dhigi karin ciidamadda xogga dalka isla markaana ay maciin bidaan inay ku dhuumaalaystaan goobaha ka baxsan magaalooyinka.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa,id Raisulwasaaraha DFS uu qabtay shalay magaalada Muqdisho

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/qbbit1vtg0/Shirka_Jaraa_id_.mp3]
—DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online