Al-shabaab iyo Ahlu Suna oo ka hadlay dagaalo ka dhacay Degmada Dhuusamareeb

March 20, 2012 - Written by

Dagaalo ayaa saaka iyo xalay waxay ka dhaceen Degmada Dhuusamareeb kuwaas oo u dhexeeya ciidanka Al-shabaab iyo kuwa Ahlu suna Dagaalka ayaa galinkii hore ee saaka waxaa Degmada Dhuusamareeb la wareegay ciidanka Al-shabaab. Ciidamada Ahlu Suna ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen Degmada Dhuusamoreeb Saraakiil ka tirsan labada kooxood ayaa guulo ka kala sheegtay dagaaladii ka dhacay Degmada Dhuuso mareeb iyo Ceel-Dheer .

Afhayeenka dhinaca howl galada ee ciidanka Al-shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in ay saaka guulo ka gaareen dagaal ay ku qaadeen Degmada Dhuusamoreeb wuxuuna sheegay in ay dileen 15 askari oo ka tirsan ahlu suna iyo 6 gaari oo saddex ka mid ah ay yihiin kuwa rayidka halka saddexda kalena ay yihiin kuwa loo yaqaan Tiknikada .

Abu Muscab ayaa sheegay in ka dib markii ay dhameysteen howlgaladii ay ka fulin lahaayeen Degmada Dhuusamoreeb ay dib uga soo baxeen ayna ku sugan yihiin duleedka Degmada Dhuusomareeb. Afhayeenka Ahlusunna ee gobollada dhexe, Axmed C/llaahi Samatar oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in abbaare xalay 4:00 habeenimo ay ururka Al-shabaab ay gudaha u soo galeen Degmada Dhuusamoreeb ka dibna ay dagaal uga saareen wuxuuna sheegay in haatan uu dagaal ka socdo duleedka Degmada Dhuusamoreeb.

Dagaalka saaka iyo xalay ee ka dhacay Degmada Dhuusamoreeb ayaa geystay khasaaro iyo burbur balaaran waxaana dad goobjoog ah oo ku sugan Degmada Dhuusamoreeb ay sheegayaan in ay dhinteen ku dhawaad 30 qof halka dhaawaca uu sii cagacageynayo ilaa kontameeyo.

Dhanka kale Ciidamada Al-Shabaab ayaa wadada u galay ciidamo ka tirsan Ahlusuna oo gumad ahaa kuwaas oo ka yimid degmada Guriceel  waxaana la xaqiijiyey in ay ka dhinteen ilaa 5askari qaar kalana ay dhaawacmeen.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online