Bam Gacmeed lagu weeraray guriga Guddoomiyaha degmada Xudur ee gobalka Bakool
March 28, 2012 - Written byBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in xalay weerar lagu qaaday guriga Maxamed Macalin oo ah Guddoomiyaha degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool oo haatan ku sugan Baydhabo.
Weerarka lagu qaaday guriga Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa waxaa loo adeegsaday Bam kuwa gacanta lagu tuuro ah waxaana ku dhaawacmay qaar ka mid ah ilaalada Gudoomiya Degmada Xudur.
Ciidamada DFKM iyo kuwa Itoobiya ayaa qaraxa ka dib waxay sameeyeen hawlgallo waxaana ay soo qabteen xalay dhowr qof oo lagu tuhmay in ay weerarka qaadeen waloow saaka la sii daayey.
Magaalada Baydhabo iyo Xudur ayaa waxaa haatan gacanta ku haya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM waxaana weeraro gaadmo ah ku qaada Ciidamada Al-Shabaab oo ku sugan deegaano aan sidaa uga fogeyn.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net