Bam Gacmeed lagu weeraray guriga Guddoomiyaha degmada Xudur ee gobalka Bakool

March 28, 2012 - Written by

Baydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in xalay weerar lagu qaaday guriga Maxamed Macalin oo ah  Guddoomiyaha degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool oo haatan ku sugan Baydhabo.

Weerarka lagu qaaday guriga Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa waxaa loo adeegsaday Bam kuwa gacanta lagu tuuro ah waxaana ku dhaawacmay qaar ka mid ah ilaalada Gudoomiya Degmada Xudur.

Ciidamada DFKM iyo kuwa Itoobiya ayaa qaraxa ka dib waxay sameeyeen hawlgallo waxaana ay soo qabteen xalay dhowr qof oo lagu tuhmay in ay weerarka qaadeen waloow saaka la sii daayey.

Magaalada Baydhabo iyo Xudur  ayaa waxaa haatan gacanta ku haya Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM waxaana weeraro gaadmo ah ku qaada Ciidamada Al-Shabaab oo ku sugan deegaano aan sidaa uga fogeyn.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online