Banaanbax ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool
March 7, 2012 - Written byBanaanbax rabshado wata ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool xili la arkayey dad weyne taageersan maamulka Kaatumo State Of Soomaaliya ee looga dhawaaqay magaalada taariikhiga ah ee Taleex oo banaanbax ka samaynayey magaalada gudaheed , bananbax ayaa bilowday ka dib markii ay soo shaac baxday in madaxda DFKM ay u aqoonsadeen maamulka Kaatumo State Of somaliya maamul ka mid ah maamul gobolleedyada dalka Soomaaliya ka jira.
Cidanka Booliska S/lland ee magaalada Laascaanood ayaa xabado ay ku fureen dadweynaha banaanbax dhigayey waxaa ku dhaawacmay ilaa 2 qof oo markii danbe la geeyey Isbitaalka magaalada Laascaanood ,ciidanka Booliska S/lland ee magaalada Laascaanood ayaa waxaa ay ku guulaysteen in ay dadweynihii banaanbax dhigayey ay ka hortagaan.
Magaalada Laascaanood ayaa galab iyo caawa u muuqata mid bandow ah oo ciidamo ka tirsan maamulka S/lland ah ayaa ku sugan gudaha magaalada Laascaanood iyagoo ka cabsi qaba in maalinta beri ah ay dhacaan banaanbaxyo hor leh oo lagu taageerayo maamulka Kaatumo State Of Soomaaliya.
M_M_Deeq
Halgan.net