Banaanbax ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool

March 7, 2012 - Written by

Banaanbax rabshado wata ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool xili la arkayey dad  weyne taageersan maamulka Kaatumo State Of Soomaaliya ee looga dhawaaqay magaalada taariikhiga ah ee Taleex oo banaanbax ka samaynayey magaalada gudaheed , bananbax ayaa bilowday ka dib markii ay soo shaac baxday in madaxda DFKM ay u aqoonsadeen maamulka Kaatumo State Of somaliya maamul ka mid ah maamul gobolleedyada dalka Soomaaliya ka jira.

Cidanka Booliska S/lland ee magaalada Laascaanood ayaa xabado ay ku fureen dadweynaha banaanbax dhigayey waxaa ku dhaawacmay ilaa 2 qof oo markii danbe la geeyey Isbitaalka magaalada Laascaanood ,ciidanka Booliska S/lland ee magaalada Laascaanood ayaa waxaa ay ku guulaysteen in ay dadweynihii banaanbax dhigayey ay ka hortagaan.

Magaalada Laascaanood ayaa galab iyo caawa u muuqata mid bandow ah oo ciidamo ka tirsan maamulka S/lland ah ayaa ku sugan gudaha magaalada Laascaanood iyagoo ka cabsi qaba in maalinta beri ah ay dhacaan banaanbaxyo hor leh oo lagu taageerayo maamulka Kaatumo State Of Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online