Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa DFKM oo kaabiga ku haya Degmada Xudur
March 22, 2012 - Written byXudur:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo hor leh oo Itoobiyaan ah ay soo galeen deegaano ka mid ah gobalada Bay iyo Bakool waxaana ay ku sii jeedaan Degmada Xudur iyaga oo haatan soo gaaray duleedka Degmada Xudur.
Dad xoolo dhaqato ah ayaa soo sheegay in ay arkeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ay weheliyaan kuwa DFKM oo ku sii qulqulaya deegaano ku dhow Degmada Xudur. Dagaal ayaa shalay waxaa lagu qaaday ciidamo Itoobiyaan ah oo marayey Deegaanka Teed oo u dhexeysa degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur halkaas oo ay xalay ku hoydeen .
Dhaqdhaqaaq Ciidan ayaa laga soo sheegayaa Degmada Xudur warar hordhac ah ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab ay baneeyeen Degmada Xudur ayna u qeybiyeen ciidamadooda kooxo yaryar si ay ula dagaalamaan ciidamada Itoobiya una yaraado khasaaraha soo gaaraya ciidamadooda.
Saraakiil u hadashay ciidamada DFKM ayaa sheegay in ay maanta qabsan doonaan Degmada Xudur iyaga oo kaashanaya ciidamada Itoobiya.
A/Cawale
Halgan.net