Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa DFKM oo kaabiga ku haya Degmada Xudur

March 22, 2012 - Written by

Xudur:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo hor leh oo Itoobiyaan ah ay soo galeen deegaano ka mid ah gobalada Bay iyo Bakool waxaana ay ku sii jeedaan Degmada Xudur iyaga oo haatan soo gaaray duleedka Degmada Xudur.

Dad xoolo dhaqato ah ayaa soo sheegay in ay arkeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ay weheliyaan kuwa DFKM oo ku sii qulqulaya deegaano ku dhow Degmada Xudur. Dagaal ayaa shalay waxaa lagu qaaday ciidamo Itoobiyaan ah oo marayey Deegaanka Teed oo u dhexeysa degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur halkaas oo ay xalay ku hoydeen .

Dhaqdhaqaaq Ciidan ayaa laga soo sheegayaa Degmada Xudur warar hordhac ah ayaa sheegaya in ciidamada Al-Shabaab ay baneeyeen Degmada Xudur ayna u qeybiyeen ciidamadooda kooxo yaryar si ay ula dagaalamaan ciidamada Itoobiya una yaraado khasaaraha soo gaaraya ciidamadooda.

Saraakiil u hadashay ciidamada DFKM ayaa sheegay in ay maanta qabsan doonaan Degmada Xudur iyaga oo kaashanaya ciidamada Itoobiya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online