Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Soomaali ah oo qabsaday degmada Xudur
March 22, 2012 - Written byXudur:-Wararka naga soo gaaraya Degmada xudur ee gobalka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa soomaali ah oo sheegay in ay taageersan yihiin ciidanka DFKM ay qabsadeen degmada Xudur halka ciidanka ururka Al-shabaab ay ka baxeen gudaha magaalada Xudur.
Ciidamada Itoobiyaan ah iyo kuwa Soomaali ah oo wata gaadiid dagaal ayaa doonaya in ay isku fidiyaan degmooyinka Gobolka Bay iyo Bakool ay ka joogaan ciidanka Al-shabaab oo sanadihii u danbeeyey ka arriminayey degaanadaas.
Guddoomiyaha degmada Xudur ee DFKM Maxamed Macalin oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in Ciidanka DFKM iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen degmada Xudur isagoo ku goodiyey in dhamaan Gobolka Bakool ay ka qabsan doonaa ciidanka ururka Al-shabaab.
Ciidamo Itoobiyaan ah iyo DFKM ayaa dhawaan waxaa ay qabsadeen magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay , ciidanka Al-shabaab ayaa isaga baxay magaalada Baydhabo iyagoo sheegay in ay taktiik ciidan uga baxeen si ay khasaaro xooggan u gaarsiiyaan ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFKM ee duulaanka ku ah degaanada ay ka taliyaan ciidanka Al-shabaab ee Gobolka Bay iyo Bakool.
A/cawaale
Halgan.net