Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Soomaali ah oo qabsaday degmada Xudur

March 22, 2012 - Written by

Xudur:-Wararka naga soo gaaraya Degmada xudur ee gobalka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa soomaali ah oo sheegay in ay taageersan yihiin ciidanka DFKM ay qabsadeen degmada Xudur halka ciidanka ururka Al-shabaab ay ka baxeen gudaha magaalada Xudur.

Ciidamada  Itoobiyaan ah iyo kuwa Soomaali ah oo wata gaadiid dagaal ayaa doonaya in ay isku fidiyaan degmooyinka Gobolka Bay iyo Bakool ay ka joogaan ciidanka Al-shabaab oo sanadihii u danbeeyey ka arriminayey degaanadaas.

Guddoomiyaha degmada Xudur ee DFKM Maxamed Macalin oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in Ciidanka DFKM iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen degmada Xudur isagoo ku goodiyey in dhamaan Gobolka Bakool ay ka qabsan doonaa ciidanka ururka Al-shabaab.

Ciidamo Itoobiyaan ah iyo DFKM ayaa dhawaan waxaa ay qabsadeen magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay , ciidanka Al-shabaab ayaa isaga baxay magaalada Baydhabo iyagoo sheegay in ay taktiik ciidan uga baxeen si ay khasaaro xooggan u gaarsiiyaan ciidanka Itoobiya iyo kuwa DFKM ee duulaanka ku ah degaanada ay ka taliyaan ciidanka Al-shabaab ee Gobolka Bay iyo Bakool.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online