Dagaal ka dhacay degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubada Hoose

March 28, 2012 - Written by

Kismaayo:-Ciidanka DFKM oo ay kaabayaan ciidanka dalka Kenya iyo ururka Al-shabaab ayaa waxaa uu dagaal ku dhexmaray degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubada Hoose, dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 6 askari oo ka wada tirsan dhinacyadii uu dagaalka u dhexeeyey.

Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidanka ururka Al-shabaab ay weerareen Ciidanka DFKM oo ay taageerayaan kuwa dalka Kenya
oo fariisamo ku lahaa degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubada Hoose, dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud.

Sarkaal u hadlay ciidanka DFKM ayaa sheegay in ilaa 2 askari ay uga dhinteen dagaalkii ka dhacay  degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubada Hoose ayna iska difaac een weerar uga yimid ciidamada ururka Al-shabaab.

Dhinac kale Sarkaal u hadlay ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ciidankooda ay ciidanka DFKM iyo kuwa dalka Kenya ay  ka dileen in ka badan ilaa 10 askari khasaaro xooggan ay gaarsiiyeen isagoo sheegay in ay ciidankooda ay ku soo laabteen fariisamihii ay ka duulaan tageen .Degaanka Hoosingow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa hadda waxaa gacanta ku haya weli ciidamo taageersan DFKM iyo kuwa dalka Kenya.

Ma jiraan ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo xaqiijin kara khasaaraha soo kala gaaray Ciidanka DFKM oo ay taageerayaan kuwa dalka Kenya iyo ciidanka Al-shabaab oo bilihii la soo dhaafay baneeyey fariisamo iyo degaano ay ka talin jireen oo ku yaal Gobolka Jubada Hoose
A/Cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online