Dowlada Kenya oo sheegtay in 4,660 oo askari ay ku biirineyso ciidamada AMISOM
March 13, 2012 - Written byNairobi:-Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u sheecisay maanta in ay4,660 askari ay ku biirin doonto ciidamada AMISOM ee howlgalada ka wada magaalada Muqdisho .Taliyaha ciidamada dalka Kenya Jen. Julius Karangi oo maanta la hadlay gudiga difaaca ee baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in dowlada Kenya ay ciidamo gaaraya 4,660 ay ku biirin doonto AMISOM.
Taliyaha ciidamada dalka Kenya Jen. Julius Karangi ayaa sidoo kale u mahad celiyey ciidamada AMISOM wuxuuna sheegay in ay wadaan soo celintii nabada iyo kala danbeyntii wuxuuna ka dhawaajiyey in dowlada Kenya ay si buuxda u taageersan tahay sugida amaanka Soomaaliya.
Mar wax laga weydiiyey Taliyaha ciidamada dalka Kenya Jen. Julius Karangi in ciidamada ku sugan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan J/hoose ay dowladiisa la soo baxayso ayuu sheegay in ay ku sugnaan doonaan gudaha Soomaaliya .
Dowladda Kenya ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii 2011 waxay duulaan ku qaadeen ciidamadeeda gobalka Jubada hoose iyaga oo taageeraya ciidamada DFKM waxayna haatan ku sugan yihiin deegaano ka tirsan gobalada J/hoose iyo Gedo .
Taliyaha ciidamada dalka Kenya Jen. Julius Karangi ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan dowlada Kenya uu noqon doono taliye ku xigeenka ciidanka AMISOM .
Ciidamada Al-Shabaab ayaa dagaalo dhaba gal ku wada ciidamada Kenya waxay gaarsiiyeen khasaaro kala duwan iyaga oo mar walba qariya khasaaraha soo gaara waxaana u danbeeyey dagaalkii dhacay ka dhacay deegaanka Taraaka halkaas o looga gubay laba gaari oo tikniko ah.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net