Dowlada Kenya oo sheegtay in 4,660 oo askari ay ku biirineyso ciidamada AMISOM

March 13, 2012 - Written by

Nairobi:-Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u sheecisay maanta in ay4,660 askari  ay ku biirin doonto ciidamada AMISOM ee howlgalada ka wada magaalada Muqdisho .Taliyaha ciidamada dalka Kenya Jen. Julius Karangi oo maanta la hadlay gudiga difaaca ee baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in dowlada Kenya ay ciidamo gaaraya  4,660 ay ku biirin doonto AMISOM.

 Taliyaha ciidamada dalka Kenya Jen. Julius Karangi ayaa sidoo kale u mahad celiyey ciidamada AMISOM wuxuuna sheegay in ay wadaan soo celintii nabada iyo kala danbeyntii wuxuuna ka dhawaajiyey in dowlada Kenya ay si buuxda u taageersan tahay sugida amaanka Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyey Taliyaha ciidamada dalka Kenya Jen. Julius Karangi in ciidamada ku sugan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan J/hoose ay dowladiisa la soo baxayso ayuu sheegay in ay ku sugnaan doonaan gudaha Soomaaliya .

Dowladda Kenya ayaa  bishii Oktoobar ee sanadkii 2011 waxay duulaan ku qaadeen ciidamadeeda gobalka Jubada hoose iyaga oo taageeraya ciidamada DFKM waxayna haatan ku sugan yihiin deegaano ka tirsan gobalada J/hoose iyo Gedo .

Taliyaha ciidamada dalka Kenya Jen. Julius Karangi ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan dowlada Kenya uu noqon doono taliye ku xigeenka ciidanka AMISOM .

Ciidamada Al-Shabaab ayaa dagaalo dhaba gal ku wada ciidamada Kenya waxay gaarsiiyeen khasaaro kala duwan iyaga oo mar walba qariya khasaaraha soo gaara  waxaana u danbeeyey dagaalkii dhacay ka dhacay deegaanka Taraaka halkaas o looga gubay laba gaari oo tikniko ah.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online