La taliyaha amniga Madaxweynaha Puntlland Gen.Carays oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Buuraha Golis

March 4, 2012 - Written by

Garoowe:-La taliyaha dhinac amniga Madaxweynaha dowllada Puntlland Gen. Cabdullaahi Cali Mire Carays ayaa caawa markii ugu horaysay waxaa uu saxaafada uga waramay dagaal iyo iska hormaad ku dhexmaray duleedka magaalada Boosaaso iyo gudaha Buuraha Golis ururka Al-shabaab iyo ciidanka  Puntlland. Gen. Cabdullaahi Cali Mire Carays ayaa saxaafada u sheegay in urruka Al-shabaab  aanay wax guul ah ka gaari doonin  qorsho kasta oo ay ku doonayaan in wax ugu dhimaan amaanka iyo nabad gelyada ka jirta degaanada Puntlland waan hadafka ay doonayaan  in ay kala dhan taalaan maadaam Puntlland lagu qabtay shirar caalami ah lagana wado baaritaan Shidaal.

La taliyaha dhinac amniga madaxweynaha Puntlland Gen.Carays ayaa xusay in ay og yihiin sababaha ay ku doonayaan Al-shabaab in ay gabaad ka dhigtaan Buuraha Golis ka dib markii dagaalka ka socda Koonfurta Soomaaliya lagu wiiqay awoodoodii  haddana ay bilaabeen in ay isku dayaan in ay abaabulaan dagaal ay la galaan ciidanka Puntlland mana ah middii ugu horaysay oo ay isku dayaan arrinkaas balse wax guul ah kama aysan gaarin.

La taliyaha dhinac amniga madaxweynaha dowllada Puntlland Gen.Carays ayaa ku tilmaamay dagaalka Al-shabaab ay doonayaan in ay ka bilaabaan Buuraha Golis  in ay tahay mid habow ah  waa wax dhici kara in ay Bam meel dhigaan ama qof ay dilaan balse awood uma laha in ay iska caabiyaan ciidanka Puntlland waa sidda hadalka uu u dhigaye.

Ugu danbayntii ayaa La taliyaha dhinac amniga madaxweynaha dowllada Puntlland Gen Cabdullaahi Cali Mire Carays waxaa uu ugu baaqay shacabka ku nool degaanada Puntlland in ay gacan siiyaan ciidanka amaanka ayna ilaashadaan amaanka iyo nabadgelyada ka jirta Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online