Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed oo codsi u jeediyey Ururka Jamacada Carabta
March 30, 2012 - Written byCiraaq:-Madaxwaynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed ayaa codsi u jeediyey wadamada ku bahoobay Ururka Jaamacada Carabta ka dib markii uu shalay ka qeyb galay kulan ay isigu yimaadeen madaxada wadamada ku bahoobay Jaamacada carabta waxaana lagu falanqeeyey xaaladaha dalalka Ciraaq,Suuriya Sudan iyo Soomaaliya.
Madaxwaynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa waxaa uu khudbadiisa shalay uu kaga hadlay guulaha ay DFKM iyo kuwa AMISOM ka gaareen dagaalka ay kula jirto ururka Al-Shabaab ee ku biiray Al-Qaacidda, waxaana sheegay in DFKM iyo kuwa AMISOM ay harumar badan ay ka gaareen dhinaca amaanka wuxuuna sidoo kale tusaale u soo qaatay shirka wadatashiga ee lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe oo ahaa kuwa looga hadlayay Road Map-ka.
Madaxwaynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa ka codsaday dowladaha ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta inay ka taageeraan dib u dhiska dalka Soomaaliya, una gargaaraan dadka ay ku dhufteen abaaraha .Shariif ayaa sidoo kale ka codsaday madaxdii ka soo qeybgashay shirka in tababar loo fidiyo ciidamada DFKM gaar ahaan ciidamada Melatariga iyo Booliska .
C/Casiis Maxamed
Halgan.net