Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

March 14, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM  Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu kulamo kala duwan la soo yeeshay gudiga amniga ee Midowga Afrika iyo madax ka tirsan Dowlada Itoobiya.

 Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee AdenCadde madax ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Raisul wasaaraha DFKM Pro.Cabdi weli Maxamed Gaas wasiiro ,xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM.

Shariif Sh Ahmed Madaxweynaha DFKM ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Adis Ababa waxaa uu kulan la qaatay Raisulwasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi iyaga oo ka wada hadlay xaalada Soomaaliya iyo sidii ciidamada Itoobiya loogu badali lahaa kuwa ka socda Midowga Afrika.

Raisulwasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi  oo shirjaraa,id ku qabtay Adis Ababa ayaa sheegay in ciidamadiisa aysan ka soo bixi doonin dalka Soomaaliya ilaa ay qabsanayaa gobalada ay ka taliyaan Ururka Al-Shabaab isaga oo sheegay in AMISOM ay ku wareejin doonaa goob kasta oo ay qabsadaan .

Ciidmada Itoobiya ee haatan ku habsaday qeybo ka mid ah gobalada Bay ,Bakool iyo Hiiraan ayaa waxaa ay marti u noqdeen weeraro iyo qaraxyo aan kala joogsi lahay kuwaas oo soo gaarsiiyey khasaaro kala duwan.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online