Madaxweynaha Puntlland Cabdiraxmaan Faroole oo dib ugu soo laabtay Garoowe

March 7, 2012 - Written by


Garoowe
:-Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman ShMaxamed Maxamuud Faroole iyo wafdi uu hogaaminayey oo in mudo ah dalka dibadiis ku maqnaa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland , Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ay safaro kale duwan ku soo kala bixiyeen dalalka kala ah Jabuuti , Imaaraadka Carabta iyo dalka Ingriiska.

Wafdiga Madaxweynaha Puntlland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey Madaxweynaha ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire, guddoomiyaha baarlamanka Puntlland Cabdirashiid Maxamed Xirsi , wasiiro ka  tirsan dowllada Puntlland , Saraakiil ciidan ,isimo iyo waxgarad kale duwan.

Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen. Cabdisamad Cali shire oo warbixin kooban siiyey wafdiga madaxweynaha Puntlland oo mudo bil ku dhawaad ah ka maqnaa Puntlland ayaa sheegay in xaalada guud ee degaanada Puntlland ay wanaagsan tahay marka laga reebo abaaro ka jira deegaanada qaarkood.

Madaxweyne Puntlland Dr.Cabdiraxman Faroole oo isagana la hadalay saxaafada ayaa waxaa uu warbixin kooban ka bixiyey safarkii uu dibada ugu maqnaa gaar ahaan safarkii uu ku gaaray dalka Ingriiska iyo shirkii uu kaga soo qayb galay caasimada dalka Ingriiska ee London, waxaana uu xusay in shirkii ka dhacay dalka Ingriiska uu ahaa mid guul ah oo ay caalamka u soo jeesteen arrimaha dalka Soomaaliya laguna taageeray shirkii Garoowe 2 oo ka dhacay magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntlland Dr .Cabdiraxmaan Faroole ayaa amaan u soo jeediyey ciidanka amaanka ee Puntlland oo uu sheegay in ay suuro geliyeen in shirar caalami ah lagu qabto magaalada Garoowe iyo in ay sugeen nabadgelyada iyo amaanka guud ee degaanada Puntlland

Madaxweynaha Puntlland ayaa saxaafada u sheegay in shir kale oo lagu ansixin doona dastuurka DFKM lagu qaban doono magaalada Garoowe balse marka hore golayaasha dowllada Puntlland ay ansixin doonaa dastuur gaarka ah ee ay yeelan doonto Puntlland.

Ugu danbayntii ayaa madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in dowladiisa ay u taagan tahay midnimada Soomaaliya iyo siddii dib loogu soo celin lahaa dowladii dhexe , dhinac kheyraadka laga soo saarayo Puntlland oo uu soo hadal qaaday ayaa waxaa uu rajo ka soo saarida Shidaalka isgoo ka digay shaqsiyaad doonaya in ay marin habaabiyaan dadka si xasilooni daro iyo khalkhal hore leh ay u abuuraan walow uusan magacaabin.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online