Madaxweynihii hore ee DFKM Col. Cabdullahi Yuusuf Axmed oo geeriyooday

March 23, 2012 - Written by

Waxaa saaka saacadu markii ay ahayd  4-tii subaxnimo ee ku geeriyooday magaalada Abu Dubia  Madaxweynihii hore ee DFKM Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed , Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maalmihii u danbaysay waxaa lagu daweynayey Isbitaalka Sh Zaayid Hospital.

Col Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa in ka badan 40 sanno ku soo jiray loolan siyaasadeed oo dhinacyo badan ah ee ka jiray dalka Soomaaliya waxaan uu ahaa Hogaankii ugu horeeyey ee Milateri oo sameeyey Jabhad hubaysan oo ka soo horjeeda dowladii Kacaanka ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Gen Maxamed Siyaad Bare. Col Cabdullaahi ayaa ahaa aasaasihii Maamulka Puntlland waxaan xilka talada Puntlland uu hayey mudo dhan 8 sanno isagooo markii danbe xilka ka degay una wareegay hogaanka dhinac DFKM , Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa ilaa intii uu ku jiray siyaasada dalka Soomaaliya waxaa uu dagaalo dad badan ku dhinteen la galay dowlladii Kacaanka , ururkii Al-Itixaad Islaami oo dagaal uu ku dhexmaray degaanada Puntlland iyo ururkii Maxkamadaha Islaamiga ee iyagu ku hareereeyey magalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay oo  talis u ahayd DFKM ee uu Madaxweynaha uu ka ahaa Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Madaxweynihii hore ee DFKM Col. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ifka kaga tegay hal xaas ah iyo 4 caruur ah oo kale ah 2 wiil iyo 2 gabdhood. Ilaa hadda ma cada halka la doonayo in lagu aaso Marxuun Cabdullaahi Yuusuf Axmed , siyaasiyiin iyo hogaamiyaal ka kala tirsan DFKM iyo dowllada Puntlland ayaa wada xiriir ay ka yeelanayaan goobta rasmiga ah ee lagu saasi doono Madax weynihii hor e ee DFKM Col. Cabdullahi Yuusuf Axmed iyadoo la filayo in saacadaha soo socda la shaaciyo.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online