Midhaha Akhriska :W/Q: Sheikh Maxamed Sheikh Cabdiraxman Kaariye (Qaybta 1-aad).

March 16, 2012 - Written by

Minisota:-Shaacirkii caanka ahaa ee  Abuu Dayib Al-Mutanabi ayaa yidhi:أعز مكان في الدنى سرج سابح  *** وخير جليس في الزمان كتاب

Tarjumada hadalkiisuna waa sidan:Meesha  aduunka ugu Sharaf  badani waa koore faras ******Saaxiibna waxa ugu khayr  badan Buug.

Akhris la’aantu waa mushkilad  iyo dhib weyn oo haysta qaybo badan oo ka mida bulshooyinkeena, waana xaalad taban oo safka hore kaga jirta asbaabaha keenay dib u dhaca ummaddeena. Akhriska wanaagsani wuxuu dhisaa caqliga, wuxuu kobciyaa fahanka, waxa lagu helaa aqoon iyo cilmi, waxana laga kasbadaa  saqaafad iyo waayo aragnimo balaadhan.

Ahamiyada akhrisku leeyahay waa arin ka maqan nolosha kooxo badan oo Muslimiina, xataa waxay mushkiladani ku habsatay dad badan oo ka ag dhow culimada iyo saxwada ama baraaruga Islaamiga ah!!

Miyayna la yaab ahayn in ummaddii Iqra’ lagu kari la’yahay wax akhriya? Miyayna cajiib ahayn in Muslimiin badani lumiyeen dhaxalkii akhriska ee jiilalkoodii hore ku hore mareen, kuna dhaafeen qayrkood? Sidee  loo dawyn karaa oo wax looga bedeli karaa mushkiladan baahday ee dhalisay  in laga cararo wax akhriska?

Maqaalkani kuma wajahna ka jawaabista su’aalahan aan kor ku xusay, in kastooy muhiim yihiin, hase yeeshee mowduucani wuxuu wax ka sheegayaa akhriska nafciga leh. Bal hadaba intaanan ku aroorin falanqaynta mowduucan aan si dhakhso ah u dul maro qaybo ka mida  sababaha keeni kara  akhris la’aanta sida ay sheegeen khubarada arinkan ka faalootay, waxayna kala yihiin sida hoos ku tibaaxan ee bal ila eega:

·            Jiritaanka dareen nafsaaniya oo qofka ka hor istaagaya inuu wax akhriyo, sida dadka yidhaahda ma jecli inaan wax akhriyo, ama wuu igu adag yahay.

·   La’aanta  doonis laxaad leh oo ku wajahan aqoon korodhsi iyo in nafta la jahli bixiyo.

·  Niyad jab iyo daalid  dhakhso ah oon qofka u saamaxayn inuu la yimaado dadaal joogto ah, waayo akhrisku wuxuu u baahan yahay sabir iyo in akhristuhu yeesho damac iyo doonis fara badan oon dibu gurasho iyo daal midna lahayn.

· In lagu kaaftoomo dhagaysiga cajaladaha iyo muxaadarooyinka la duubay iyadoo la moodayo in lagaga maarmayo akhriska. Bulshooyinka ay mushkiladani sida aadka ah u saamaysay waxa ka mida Soomaalida oo lagu  tilmaamo inay yihiin mujtamac iskugu gudbiya macluumaadka hadal iyo weedho  (Oral Communication).

·  Caruurta iyo dhalinta oon lagu dhiirin inay wax akhriyaan, taasina ay keento inuu qofku labaatan jir noqdo isagoon wali lahayn doonis ku wajahan akhriska. Akhriska oo yaraan lagu bilaabaa wuxuu qofka jeclaysiinayaa inuu wax akhriyo oo buugtana jeclaado. Kuma lihi haddaad doonisid inaad wax akhriska weyni ku bilowdo hays daalin, sidaa uma jeedo oo waqti walba waad bilaabi  kartaa  wax akhriska hadduu  ku dhaafay yaraantaadii. Hase yeeshee  waxaan tilmaamayaa in caruurta lagu dhiiri galiyo lana jeclaysiiyo wax akhriska. Dadkeena ku nool Galbeedku waa aragnay in caruurta loo bilaabo wax akhriska iyagoo dugsiga hoose ku jira.

· Qofka oon aqoon siyaabaha wanaagsan ee wax loo akhriyo, taasina waxay qofka ku keenaysaa faham la’aan iyo inuu ka xiiso jabo akhriska.

Akhriska Nafciga Leh:

Akhriska aan nafci ama waxtar diiniya iyo mid aduunyo midna lahayni waa waqti lumis iyo khasaare, balse akhriska buugta iyo qormooyinka ku lifaaqan ilxaadka, kufriga, bidcada, fuxshiga iyo shahawaadku waxay qofka  ku dhaliyaan shaki  iyo shubuhaad gala diintiisa iyo caqiidadiisa, waxay u horseedaan inuu ka leexdo xaqa, inuu ku qaraqmo kuna hafto badweynta fuxshiga iyo xumaanta, inuu ku asqoobo geri-go’anta ilxaadka iyo kufriga, inay iskaga darsamaan oo uu kala sooci kari waayo Islaamka iyo kufriga, xaqa iyo baadilka, khayrka iyo sharka, wanaaga iyo xumaanta, akhlaaqda suuban iyo ta liidata.

Cilmiga waxtarka leh “العلم النافع” ayaa lagaga oon baxaa haraadka  jahliga, isaga ayaa lagaga badbaadaa ku-asqowga geri-go’anta baadida. Sidaa awgeed, ayay muhiim tahay in qofka Muslinku ka foojignaado kana digtoonaado macluumaadka ku qulqulaya caqligiisa iyo qalbigiisa. Waxaynu  maanta noolnahay waqti lagu magacaabo “Casriga Macluumaadka”  “information Age” taasi oo loola jeedo in macluumaadka meel walba qulqulayaa yihiin kuwo xad dhaafa, qof walbaana  si fudud u  heli karo macluumaadka iyo wararka uu raadinayo..

Tusaale ahaan, macluumaadka ku dawinan internetku waa kuwo baaxadweyn, waxaadse  ku soo rogan kartaa adigoo riixa badhanada kombuyuutarka oo kaliya, oo howl badan kaagama baahna. Hase yeeshee macluumaadkaasi khayr iyo sharba waa leeyihiin, waxayna u baahan yihiin  hufid iyo shaandhayn badan, kala doorashadooduna  waxay ku xidhan tahay  qofka doonaya ee daalacanaya iyo kolba sida ay ujeedadiisu tahay.

Cimrigu Waa Gaaban Yahay ee Waqtigaaga Ha Lumin:

Cimrigu waa gaaban yahay, maalmuhuna way tirsan yihiin, saacad walba oo ku dhaaftaana  waa caleen ka engegtay geedka cimrigaaga, maalintii kaa tagtaana kuu soo noqon mayso, balse waxay kuu dhawaynaysaa qabrigaaga iyo dhimashadaada. Qofka liibaanay ee saciidkuna waa ka  qayrkii ku cibro qaata, kuna bakhayla saacadaha waqtigiisa een iska lumin, una diyaar  garooba safarka aakhiro intaanay geeridu ku habsan een iilka la dhigin.

Ibnu Jawsi ayaa ku dardaarmay  haddiiba  cimrigu gaaban yahay in loo baahnayahay  in cimriga lagaga faa’iidaysto barashada cilmiga naafica ah, waqtigana  aan lagu dayicin aqoon aan laga helayn nafci aduunyo iyo mid aakhiro midna, sidan hoos ku qoran ayuu ku yidhi buuggiisa la yidhaa  صيد الخاطر :

(أما العالم فلا أقول له اشبع من العلم ، ولا اقتصر على بعضه .بل أقول له : قدم المهم ؛ فإن العاقل من قدَّر عمره وعمل بمقتضاه ، وإن كان لا سبيل إلى العلم بمقدار العمر ، غير أنه يبني على الأغلب .فإن وصل فقد أعد لكل مرحلة زادا ، وإن مات قبل الوصول فنيته تسلك به ……والمقصود أن ينتهي بالنفس إلى كمالها الممكن لها في العلم والعمل).

“Kuma odhanayo qofka aqoonta leh  ka dharag cilmiga ama ku koobso qayb cilmiga ka mida, Waxase aan ku leeyahay hore marso wixii muhima, waayo qofka caaqilku waa ka cimrigiisa qiyaasa kuna camal fala si waafaqsan sidaasi, inkastoo cimrigu aanu saamaxayn in la kasbado cilmi oo dhan, hadana waa in laga raaco intiisa badan. Haddii uu gaadho markaasi wuxuu marxalad walba u diyaarsaday sahay, hadday geeridu hesho intuuna gaadhina markaasi  niyadiisa ayaa loo raaci doonaa…ujeedaduna waa inuu nafta kula tacaalo siday u gaadhi lahayd intii karaankeeda ah  ee dhinaca cilmiga iyo camalkaba”

ولم أرى في عيوب الناس عيباً         كنقص القادرين على التمام

“Ma arag ceeb ka weyn, inuu qofku ka gaabiyo wixii awoodiisa ah”

Ibnu Qudaama  Al-Maqdisi ayaa alifay buug uu kaga hadlay  cilmu kalaamka kuna magacaabay ” تحريم النظر في كتب الكلام “Xaaraanimada  in La eego Buugta Kalaamka ”, wuxuu buugan ku sheegay in salafkii ay dadka u diidi jireen  in ehlu bidaca lala fadhiisto, hadalkooga la dhagaysto iyo in buugtooda la akhristaba.

Al-Laalakaa’i  oo ka mida imaamyada Sunnaha ayaa isna ku duwinay buuggiisa qiimaha badan ee la yidhaahdo “شرح إعتقاد أهل السنة والجماعة “ “Sharaxa Caqiidada Ehlu-Sunna Wal-Jamaaca” hadalo badan oo uu ka soo guuriyay imaamyadii  salafka, oo tilmaamaya in nabadu ku jirto in aan dhag jalaq loo siin, waxbana laga dhagaysan ehlu bidaca. Qaybo hadaladaa ka mida ayaan soo guuriyay oon qoraalkan intiisa dambe ku sheegi doonaa.

W/Q: Sheikh Maxamed Sheikh cabdiraxman Kaariye
Isha: Maqaalka Alyaqiin.com iyo Halgan.net

6 Comments so far

Leave a comment

  1. maansha allaah waad mahad santiin

  2. Allah Miizaanka Xasanaadka ha u saaro Sheekh Maxamed Kaariye-waxaan ka duggaalsanaynaa Cilmi iyo Caqli iyo WAAYO aragnimo-

    Waana Mug culusyahay Qoraalkiisu- walaalaha Halgan Allah Khayrka ha idin haleeshiiyo, waadna mahadsanitihiin sida wanaagsan ee aad noogu soo gudbideen maqaalka.

  3. scww
    Dhaman walalaha Halgan waa mahadsanyihiin sida wanagsan ee ay noogu soo gudbiyeen qoraalkan qiimaha badan ee alfadiilah sh.Mahamed Kaariye. Dhamaantiin Jasakalahu Khayr, Sheekhana ilaahay cimrigiisa habarakeeyo, Dhamaanteena khaatumada suuban Allaha nawaafajiyo, Amiiiiiiiiiiiiiiiin

  4. jAZAAKALLAAH SH.MAXAMED KAARIYE BARAARUJINTA AAD NAGU BARAARUJISAY INAAN FADHIGA KA KACNO OO AAN WAX SIYAADSANO ANAGOO HORMARINAYNA XIRFADEENA AKHRINTA. SHEYKHANAA WAXAAN SUGAYNAA BAL QAYBAHA DAMBE SIDA AAN KA FAHMAY JUMLADA U DAMBAYSA QORAALKAAGA. XAFIDAKALLAAH WA AXSANA ILAYKA WA AHLAKA.

  5. Masha allah walalaha Halgan .net iyo sheekh Kariye intaba wa mahad san yhiin, qoraal runtii dha dhan leh buu ahaa si wanagsana lo soo ban dhigay.

  6. asc/wrm\wb salaan ka dib walaalaha halgan waa mahadsan tihiin qeyrka aad marwalba noo soo gudbisaan. walaalka qormada quruxda badan noo soo qoray iyo waanada waxaan leeyahay jazaakalaah walaal ha ka daalin waxaad tahay qoraa qormadiisa la hadasha maskaxda oo hurdada ka kiciya caqliga adigoo kale umada aad ayay ugu baahan tahay cilmigaaga iyo fahankaaga sareeya alaha kuu siyaadiyo umada indhaheeda ayaa tahay alaha ku xifdiyo wazaakalaahu qeyran

Leave a comment

*