Nadwo diini ah iyo wacyi gelin lagu qabtay Masjidka Al-hudaa ee magaalada Garoowe

March 22, 2012 - Written by

Garoowe:-Masjidka Al-hudaa ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ka socota Nadwo diini ah oo lagu wacyi galinayo bulshada Soomaaliyeed looguna saxayo  Manhajka diiniga ah  si ay ugu waan toobaan afkaarta khaldan ee diintooda lagu dheehayo afkaartaas oo la huwinayo magaca diin Islaamka iyo Afkaar guracan oo laga soo guuriyey reer Galbeedka. Sheekh Axmed Cabdisamad, ayaa oo muxaadaradii ugu horeysay jeediyey ayaa waxaa uu bulshada uga digay in ay wax walba diin ka dhigtaan isagoo dadweynihii dhagaysanayey muxaadaraadka tusaaleeyey khatarta ka dhalankarta afkaarta guracan ee khilaafsan diinta Islaamka iyo dariiqii toosnaa ee Ahlusna Wal-Jamaaca.

Sheekhu Axmed Cabdi samad ayaa ku booriyey culimada Soomaaliyeed in ay u guntadaan in xaqa ay cadeeyaan isagoo ka digay in culimada ay qayb ka noqdaan dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya ee aan waafaqsanayn diinta Islaamka  isagoo Sheekhu dhinac kalena ka digay in culimada aysan in kirin wax xaq ah oo waafaqsan diinta Islaamka. Sheekh Axmed Cabdisamad ayaa ka digay in bulshada Soomaaliyeed dhiigeeda la iska banaysto laguna iclaamiyo dagaal isagoo xusay in arrinkaas kuwa ku kacaya loo naseexeeyo haddii ay ka joogi waayaan lala dagaalamo si shartooda umada laga qabto si bulshada aysan hal doorkooda u layn.

no images were found

Waxaa kale oo goobta kalimada kooban ka jeediyey Fadiilatu Sheekh C/qaadir Nuur Faarax, Allaha dhowree oo sheegay in umadi ay ku jiri karto oo kaliya marka ay dhalinyaradeedu fiicnaadaan oo jidka toosan ee sax ah ay qaadaan ,Sheekha ayaa ka digay in dhalinyaradu ay ku kadsoomaan kuwa wata magaca diineed balse ah kuwa garab maray dariiqii toosnaa ee Salafka. Sheekh Cabdulqaadir Nuur ayaa ugu baaqay dhalinyarada in ay bartaan diinta Islaamka  si ay uga badbaadan afkaarta khaldan ee la doonayo in lagu khaldo dhalinayarad soo koraysa, Sheekh ayaa xusay in ay wacyi  gelin badan ay ka sameeyeen bilihii la soo dhaafay magaalada Boosaaso ayna dad badan wax jira ay ogaadeen.

Culimada ayaa nadwadooda waxaa kale oo ay uga digeen in umada soomaaliyeed ama degaan dad Soomaaliyeed ay ku nool yihiin lagu iclaamiyey dagaal ama duulaan iyagoo si gaar ah u tilmaamay Buuraha Golis , culimada ayaa waxaa ay su,aalo hor dhigeen dadkii dhagaysanayey muxaadaraadka waxaana ay wiidiiyeen, bulshada ku nool Buuraha Golis iyo hareeraheeda dad muslin ah ma ah miyaa ? Waxaa maxay sababta  loo doonayo in la qabsado ama lagu duulo ?, culimada ayaa arrinkaas ku tilmaamay jeedo lagu doonayo in dalka Soomaaliya oo dhan loo gacan geliyo Gaalo si umada Soomaaliyeed loogu garaaco Gantaalo  iyo in umada meesha degan ay noqdaan kuwa barakaca iyo in dhibaatooyin ay la soo gudboonaadaan.

Nadwada Culimada ayaan marka ay na soo gaarto idiin soo gudbin doonaa insha Allaaahu

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online