Puntlland oo war-saxaafadeed ka soo saartay dilki Wariye Cali Axmed Cabdi

March 6, 2012 - Written by

Dowllada Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 06, March 2012 war-saxaafadeed ay ka soo saartay dilkii allaha u naxariistee  marxuun Wariye Cali Axmed Cabdi oo ka mid ahaa wariyaasha ugu fir fircoon Puntlland kana shaqayn jiray Radio Gaalkacyo. Afhayeenka Madaxtooyada dowllada Puntlland Axmed Cumar Xirsi Libaax Joore oo saaka la hadlay saxaafada ayaa sheegay in weli ay dowlladu iyo laamaha maanka ay wadaan baartitaan ku aadan dilkii allaha u naxariistee Wariye Cali Axmed Cabdi  war-saxaafadeedka oo loo qaybiya saxaafada kale duwan ayaa waxaa uu u qornaa sida tan:-

  
PUNTLAND STATE OF SOMALIA  Garoowe

WARSAXAAFADEED  March 6, 2012 Waxan tacsi uu dirayaa anigoo ku hadlaya magaca dowladda Puntland iyo kan shacabka reer Puntland bahda saxafadda Puntland ,eheladi iyo qarabadi uu geeriyodey marxuum wariye Cali Axmed Cabdi oo gacan ka xag darani ku dishay habeenki Axada magalada Galkacyo asago ku si jeede gurigiisa.

Dilalka wariyaasha lo geysanayo waxa ka dambay dad doonaya inay bulshada indaha ka ridaan. kana sheeqeyanaya degannasho la’aanta, xumanta, xigdiga, barakaca bulshada iyo horumar la’aanta. sadkaas xumandonka ah dowladda Puntland indhaha ayey ku haysa weligeed.

Waxa la socotiin iney yaradeen dilalki qorshaysna oo ka dhici jiray magalada Galkacyo beryahan kadib marki dowladda Puntland ay so qaqabatey oo sharci la horkeeney shaqsiyaadki lugu tuhunsanaa iney ka dambeyn jireen dilalkas qorsheysan, lana ba’basheey goobihi ay ka howlgali jireen.

Dowladda Puntland baritaan ayey ku haysa dilka loo geystey marxuum Cali Axmed Cabdi. Sharciga la horkenayaa cidii dilkaas ka dembeyey. waxana ka codsaneynaa shacabka ku nool magaladda Galkacyo iney gacan ka geystaan sidi baritankaas u hergililaha.

Dhamaad

Afhayeenka Madaxtooyada dowllada Puntlland
Axmed Cumar Xirsi Libaax Joore

 

 

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online