Qarax miino oo ciidanka DFKM lagula beegsaday magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay

March 5, 2012 - Written by

Baydhabo:-Qarax nooca miinada ah ee dhulka lagu aaso ayaa maanta waxaa gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay waxaa lagula beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan DFKM , Baabuurka  miinada lagu weeraray ayaa waxaa saarnaa sarkaal ka tirsan ciidanka DFKM oo lagu magacaabo Maxamed Isaaq. Maxamed Isaaq oo ah Sarkaalka la weeraray  oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in wax khasaaro ah aysan ka soo gaarin weerarka isaga iyo ciidanka DFKM ee saarnaa gaariga miinada la bartilmaa saday, qarax ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray cidamo ka tirsan DFKM iyo kuwa Itoobiya waxaan ay soo qabteen dhow qof. Maxamed Isaaq  ayaa saxaafada u sheegay in dadka ay ku qabteen howl galka ay baaritaan ku samayn doonaa ciddii danbi uu ku soo cadaaddana ay dhawaan maxkamada horkeeni doonaa.

Ilaa iyo intii ay ciidanka DFKM iyo kuwa Itoobiya ay qabsadeen magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa ka dhacay ilaa 2 qarax walow ilaa hadda aan si rasmi ah aysan Saraakiisha Ciidanka DFKM aysan u shaacin khasaaraha ka soo gaaray  qaraxyada ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo.

 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online