Ra’iisul Wasaaraha DFKM oo caawa ka hadlay qabsashada Degmada Xudur (Warsaxaafadeed)

March 22, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo caawa shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xoreynta qeybo ka mid ah gobolka Bakool, gaar ahaana degmada Xudur oo ay ciidamada Qalabka sida oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ay maanta la wareegeen, isaga oo sidoo kalena hambalyo iyo bogaadinba u jeediyay ciidamadaasi geesiyaasha ah.

Shirkan jaraa’id ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha hareer fadhiyay Ra’Iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Beeraha Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim , Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdullaahi Xaaji, Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Jaahweyn, Wasiirka Waxbarashada Mudane Ceydiid iyo Wasiir kuxigeeno waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu diirada ku saaray sida ay uga soconayaan gobolada dalka howlgalada dib loogu xoreynayo isaga oo tilmaamay in arrintani ay cadeyn u tahay sida ay dowladda uga go’antahay in dhamaamba dalka ay gacanteeda soo gasho.

“Arrintan waxay cadeyn u tahay labo arrimood, oo kala ah sida ay dowladda uga go’antahay inay gacanta ku dhigto dhamaamba gobolada dalka, iyo in ay wiiqantay awoodii kooxaha Alqaacidada ku xiran ee Al shabaab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo u duceeyey ciidanka qalabka sida ee naftooda u huraya sidii dalka looga saari lahaa caddowga.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa u mahadceliyay ciidamada dalalka deriska sida Itoobiya, iyo Kenya oo iyaguna caawinaad ka geysanaya sidii dalka loo xoreyn lahaa iyaga oo taageero siinaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha oo ay warbaahintu weydiisay in goboladan dowladdu xoreyso la geynayo ciidamada Nabad illaalinta ee AMISOM ayaa xaqiijiyay in sida ugu dhaqsaha badan loogu daabuli doono ciidamadaasi dhamaamba gobolada la xoreeyo si loo sugo ammaanka iyo kala dambeynta isla markaana ay u tagaan hay’addaha gargaarka si kaalmo kala duwan loola gaaro shacabka dhibaateysan.

–      DHAMAAD –

Xafiiska Raisulwasaare Cabdiweli Maxamed Gaas
Muqdisho.

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online