Sheekh Mulla Karakaat oo lagu xukumay 5 sano oo xarig ah Rafcaana ka qaatay (Daawo)

March 28, 2012 - Written by

Norway:-Sh.Abu Saydi Qudub Mulla Karakaat ayaa Maxkamad ku taal dalka Norway oo in ka badan 8 sano daba socotay waxay ku xukunta 5 sano oo xariga ah .Sheekh  Mulla Karakaat ayaa ka mid ah culumada dalka Ciraaq gaar ahaan Kurtistaan waxaana uu  ahaa Amiirkii Jamaacatul Ansaar Islaam ee ka dagaalami jirtay dalka Ciraaq.
Sheekh Mulla Karakaat ayaa waxaa uu magangelyo Siyaasadeed ku joogay mudo badan dalka Norway waxaana in mudo ah daba socday laamaha Sirdoonka ee wadamada reer Galbeedka oo uu horbooday dalka Mareykanka iyaga oo marba been cusub ku soo eedeyn jiray.

Sheekh Mulla Karakaat ayaa ah Sheekh Caan ka ah wadanka Ciraaq waana sarkaal sare oo aad u yaqaan tababarka iyo dagaal galin ta waxaana uu dowr weyn ka soo qaatay dagaalkii ciidamadii dalka Ruushka iyo Afgaaniyiinta ku dhexmaray dalka Afgaanistaan.

Waxaa kale oo uu dowr weyn ka soo qaatay dagaalkii ka dhacay Waqooyiga Ciraaq ee u dhexeeyey Islaamiyiinta iyo labada xisbi ee cilmaaniga ah oo ay kala hogaamin jireen Jalal dhalibaani iyo Col.Mascuud barazaani.

no images were found

Sheekh Mulla Karikaat ayaa maalintii Isniinta waxay Maxkamad ku xukuntay 5 sano oo xarig ah isaga oo lagu eedeeyey in uu u caga jugleeyey Erna Solberg oo ahayd wasiirad xukuntay wasaarada arimaha gudaha . Sheekh Mulla Karkaat ayaa racfaan ka qaatay xukunka lagu riday waxaana qareenkiisa uu sheegay in xukunka uu yahay dulmi iyo mid ka fog xoriyada ay sheegtaan dalalka reer Galbeedka ah.

Sh Mulla Karakaat ayaa waxaa dacwadan ku soo oogtay madaxa xisbiga garabka mid ee la yiraahdo Erna Solberg iyada oo sheeg tay in uu ugu goodiyey in la dili doono hadii lagu cesho Sheekh Mulla Karakaat dalka Ciraaq . Warbaahinta dalka Norway ayaa sheegtay in Mulla Karakaat uu sheegay in uu dhib u arkin in uu tago dalka Soomaaliya ayna yihiin dad aad u jecal isana uu jecel yahay xukunka ugu danbeeya ayaa waxaa qaadi doona Maxkamada u sareysa dalka Norway.

Tacriif Kooban Sh Mulla Karikaat.

Magaciisa waxaa la yiraahdaa Sh  Faraj Ahmad Najmuddin wuxuu ku dhashay waqooyiga dalka Ciraaq 7 Jul 1956 wuxuu noqday Amiirkii Jamacat Ansaar Islaam ee Waqooyiga Ciraaq waxaa lagu xiray dalka Hollan laba jeer sanadihii 2002 iyo 2003 waxaa lagu amray in uu ka baxo dalka Norway dabayaaqadii 2003 waxaana eedeyn u soo jeedshay xafiidka QM iyaga oo ku eedeeyey in uu xiriir la leeyahay Ururka Al-Qacida
25 Janaayo 210 waxaa lagu soo weeraray gurigiisa iyada oo rasaas lagu riday qolkiisa wuuna ka badbaaday isku day lagu khaarajin lahaa .

Mulla Karakaat ayaa wareysi siiyey Royal Tv iyo TV Al-Jazeera

Daawo Sheekh Mulla oo loo sii wado Xabsiga

C/Casiis Maxamed
Halgan.net
Isku dubaridka Calanka
iyo Royal Tv.TV NRK.

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online