Wasiirka gaashaandhigga ee DFKM iyo wafdi la socda oo gaaray magaalada Garbahaareey

March 6, 2012 - Written by

Gedo:-Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisulwaasare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga DFKM Xuseen Carab Ciise ayaa saaka gaaray magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo, wafdiga wasiirka gaashaandhigga ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya wasiirka maaliyada DFKM iyo Saraakiil ka trisan ciidanka DFKM.

Wafdigaan ayaa waxaa kale oo la socda ciidamo ka tirsan DFKM oo sugaya amaanka wafdiga iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Geddo , odayaal iyo waxgarad kale ,ilaa iyo hadda ma cadda inta maalmood ama saacadood oo ay wafdigaan ka socda DFKM ay ku sugnaan doonaan magaalada Garbahaareey oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo iyo iksa horimaado u dhexeeya ciidanka DFKM oo gacan ka hellay kuwa Itoobiya iyo ciidanka Al-shabaaab.

Magaalada Garbahaareey ayaa waxaa hadda ku sugan oo ka taliya Ciidamo ka tirsan DFK M oo tababar lagu soo siiyey gudaha dalka Itoobiya iyo dalka Kenya waxaan dhowr goor oo hore ay dagaalo kale duwan dhexmareen ciidanka ururka Al-shabaab oo iyagu ka baxay degaano ka tirsan Gobolka Gedo iyo Gobolka Jubada Hoose.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online