Weerar ka dhacay xalay Kontroolka Koonfureed ee Boosaso iyo Ciidamo ku baxay Balli Khadar iyo Sugura

March 3, 2012 - Written by

Boosaaso:-Dhalinyaro hubaysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ee dhawaan ku biiray Al-Qaacid oo fariisamo ku leh Buuraha Golis ayaa xalay waxaa ay weerareen  koontaroolka Koonfureed ee magaalada Boosaaso oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Puntlland, is rasaasayn socotay qadar ku dhow saacad ayaa waxaa ka dhashay khasaaro soo kala gaaray kooxda Al-shabaab ee weerarka soo qaaday iyo qaar ka tirsan ciidankii Ilaalada ee ku sugnaa Kontroolka.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Ilaalada ee Puntlland oo la hadalay saxaadaa ayaa waxaa auu shjeegay in iska horimaadkii xalaya dhacay uu uga geeriyooday ilaa 2 asakari iyo 3 qof oo shacab ahaa oo saarnaa gaari ku sugnaa Koontrolka oo ay ciidanku baarayeen xiliga weerarku dhacay

Dhinac kale waxaa uu sheegay in ciidanku ay qaadeen meyd ka mid ah ciidanka ururka Al-shabaab ee weerarka ku soo qaaday Koontroolka koonfureed ee magaalada Boosaaso. Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa daraawiishta iyo sirdoonka Puntlland ee PIA ayaa soo gaaray goobta dagaalku ka dhacay isla xalay iyadoo kooxda weerarka soo qaaday ee Al-shabaab ay dib ugu gurteen Buuraha Golis oo ay markii hore ka soo duulimaad tageen.

Afhayeenka ciidanka Al-shabaab Sh.Cabdicasiis Abu Muscab oo ku sugan Koonfurta Soomaaliya oo la hadlay saxaafada ayaa markii ugu horaysay waxaa uu  sheegtay in dagaalka ka dhacay duleedka Boosaaso ay qaadeen ciidanka Al-shabaab isagoo ku nuuxnuuxsaday in ay ka dileen ciidanka Puntlland 5 askari ayna ka dhaawaceen kuwa kale.

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta iyo ciidanka sirdoonka Puntlland ee PIA ayaa saaka subaxii hore ku baxay  Buuraha Golis gaar ahaan  degaanka Balli Khadar iyo Sugura oo la sheegay in ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab ee xalay weeraray Koontroolka Koonfureed ee  Magaalada Boosaaso ,ilaa hadda wax war cad ah kama soo bixin maadaam dhulku uu yahay Buuraley waxaana adag in xog rasmi ah laga hello balse saacadaha soo socda wixii ka soo baxa dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa haddii alle idmo.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
March 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online