Ciidanka Nabadsugidda ee DFKM oo sheegay in ay qabteen walxaha qarxa
May 13, 2012 - Written byHay’adda Nabadsugidda ee DFKM ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay wiil dhalinyaro ah oo sitay walxaha qarxa waxaana laga soo qabtay wiilka ay soo bandhigeen ciidanka Nabadsugida ee DFKM Ex-Control Afgooye. Taliyaha ciidanka Nabadsugidda ee DFKM ee gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa saxafada kula hadlay xarunta Nabudsigida ee DFKM waxaana uu sheegay in wiilka la soo qabtay uu rabay in uu miino ku xiro guriga Guddoomiyaha degmada Huriwaa Cumar Jacfaaan.
Waxaa sidoo kale saxaafada la hadlay wiilka ay sheegtay DFKM in ay soo qabteen waxaana uu magaciisa ku sheegay C/raxmaan Faarax Maxamed wuxuuna sheegay in miinada looga soo dhiibay oo uu ka keenay deegaanada loo barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho isaga oo cadeeyey in uu rabay in uu miinada ku khaarajiyo Guddoomiyaha degmada Huriwaa Cumar Jacfaan.
Agaasimaha ciidanka Nabadsugidda DFKM Axmed Macallin Fiqi ayaa waxaa uu xalay ka sheegay idaacada afka DFKM in ay qabteen miino casri ah iyo qofkii sitay saxaafadana ay u soo bandhigi doonaan .
Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadlay sheegashada ciidanka DFKM gaar ahaan kuwa Nabadsugida kuwaas oo inta badan sheegta in ay dileen ama qabteen dhalinyaro wadata walxaha qarxa.
A/Cawale
Halgan.net