Dowlada Kenya oo sheegtay in ay qaati ka taagan tahay qaraxyada ka dhacaya dalkeeda.
May 31, 2012 - Written byNairobi:-Wasiirka Amniga Prof George Saitoti ayaa maanta la hadlay saxaafada ayaa sheegay in dhibaato iyo caqabada ay tahay qaraxyada ka dhaca magaalooyinka dalka Kenya isaga oo sheegay in ay isha ku hayaan amaanka guud ee dalka Kenya .
Wasiirka Amniga ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay diyaar garow ka sameeyeen weerarada ay geystaan ayuu yiri argagixisada qaraxyada iyo weerarada ka geystaan gudaha dalka Kenya.
Mar ay saxaafada weydiisay wasiirka amniga George Saitoti qaabka ay u sugayaan amaanka magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay diyaarsheen tilaabooyin ay kaga hortagayaan weerarada laga geysto magaalooyinka Nairobi ,Mombaza ,Wajeer iyo Mandheera.
Wasiirka Amniga ee dowlada Kenya George Saitoti ayaa ugu baaqay dadweynaha reer Kenya in ay gacan siiyaan laamaha amaanka ee dalka Kenya wuxuuna ugu baaqay ciidamada Booliska iyo kuwa nabad sugida in ay foojignaadaan;Wasiirka ayaa beesha caalamka u diray baaq wuxuuna ka codsaday in garab la siiyo dowlada Kenya.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net