Isimadii Puntland uga qayb gali lahaa shirka Dastuurka oo ka dulay magaalada Garowe.
May 4, 2012 - Written byGaroowe:-Waxaa maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe Isimadii Puntlland uga qayb gali lahaa shirka looga hadlayo qabyo qoraalka dastuurka la doonayo in loo sameeyo dalka Somaliya iyo qaabkii loo soo xuli lahaa Ergedii ka qayb geli lahayd shir la doonayo in lagu ansixiyo Dastuurkaas iyo soo xulida xubnihii Golaha Baarlamaanka ee DFKM ka mid noqon lahaa bisha Augosta ka dib.
Isimada maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa waxaa weheliya Saraakiil ka tirsan xarunta Madaxtooyada ee Puntlland oo uu horkacayo Agaasimaha guud ee Madax tooyada Puntlland Dr Jamac Warsame iyo saraakiil ciidan oo uu hogaaminayo Gen Siciid Maxamed Xirsi Siciid Dheere oo ah Taliyaha guud ee ciidanka Daraawiishta Puntlland. Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah Isimadii maanta u dhoofay magaalada Muqdisho oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in u jeedada safarkoodu uu yahay in ay ka soo qayb galaan shir looga hadlayo Dastuurka ay yeelanso DFKM iyo kulamo gaar ah oo lagu ansixin doono Dastuurka DFKM iyagoo si gaar ah u matalaya dowllada Puntlland.
no images were found
Isimada maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa gaaraya ilaa 17 Isim oo ah kuwo laga yaqaan degaanada Puntlland waxaan Isimadu iyo xoghayta la socota ku soo biiri doona Isimo kale oo si weyn looga yaqaano degaanada Soomaali kuwaas oo la filayo in ay isla maanata gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
M_M_Deeq
Halgan.net