Madaxweynaha DFKM Sh.Shariif iyo wafdi la socda oo u dhoofay dalka Turkiga
May 30, 2012 - Written byMadaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada Istanbul ee caasimada dalka Turkiga Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif ayaa waxaa kale oo safarkiisa ku weheliya xubno ka tirsan Golaha Baarla maan ka ,Wasiiro ay ka mid yihiin Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga DFKM Xuseen Carab Ciise, Wasiirka arrimaha Dibadda iyo weliba Saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Shirka ka socda Turkiga wajigiisa 1aad waxaa ka qayb galayey bulshada rayidka , odayaal dhaqameed iyo culimo’udiin shir kaas oo maanta ku soo gabagaboobay dalka Turkiga. Dalka Turkiga ayaa waxaa horay u sii joogay Ra’iisul wasaaraha DFKM Dr. Cabdi weli Maxamed Cali Gaas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKM Shariif Xassan.
Dhinaca kale shirka ka dhacay Turkiga ee looga hadlayo RoadMapka ayaa waxaa la filayaa in ay ku soo biiraan Madaxweyanaha dowllada Puntlland iyo Gal-Mudug oo maalmo ka hor sheegay in aysan ka qayb galayn shirka Turkiga balse dadaal ay wadaan beesha caalamka iyo Madaxda DFKM ayaa la filayaa in ay ku qanciyaan in ay yimaadaan shirka.
M_M_Deeq
Halgan.net